Casharka 44aad
Habdhiska Neefsashada iyo Xanuunnada ku dhaca. Casharka 44aad Barar-biyoodka samababbada ( Pulmonary Edema) Waa xaalad uu barar ku imanayo sambabbada, waana marka uu hoore ku ururo kiish haweedka iyo unug u dhexeeyaha(interstitial) ee sambabbada, taasi waxay horseed u noqoneysaa isbeddel inuu ku yimaado is dhaafsiga hawadda( Gas exchange) iyo inuu qalqal ku yimaado habdhiska neefsashada. Badanaa waxay ka soo curataa cadaadiska tiiftaafyada sambabka taasoo ugu wacan Fashilka qeybta bidix ee wadnaha(cardiogenic pulmonary edema) ama inuu siyaado habida tiiftaafyada ( noncardiogenic pulmonary edema). Badanaa xaaladdani waxay ka dhallataa isku dheellitir la’aan ku timaada nidaamka hagida hooraha sambabbada. Awoodda cadaadis hoornagiyeedka(hydrostatic pressure) cadaadiskan waxa uu hooraha u buufiyaa banaanka xiddidada. Cadaadiska hoore celiska(oncotic pressure) cadaadiskan waxa uu hooraha ku ilaaliyaa xididdada dhexdiisa, taasina waxa ugu wacan boroti...