Posts

Showing posts from October, 2023

DAHAARKA WADNAHA

 Casharka 2aad DAHAARKA WADNAHA Wadnuhu wuxu leeyahay dahaar u gaar ah, oo si faalalan ugu wareegsan wadnaha. Waxana la yiraahdaa dahaarkani kiish wadneed. Kiish wadneedku wuxu ka kooban yahay laha qaybocd. 1. Qayb liifsan iyo 2. Qayb siirows ah. Kiishku wuxu ka sameysan yahay nudo liifsan oo cad oo adag, laakiin waxa hoosta ka marsan xuub sulban oo siirows ah oo la yiraahdo lakab dibadeedka. Waxa lakabkan ka hooseeya xuub kale ku dahaaran  dhammaan oogada debadda wadnaha, waxaan la yiraahdaa  lakabka wadne sareedka.  Daleesha ayaa u dhexeeya lakab sareedka iyo lakab debadeedka waxaana la yiraahdaa daleesha kiisha wadneedka.  Daleesha kiish wadneedka waxa ku jira dareere la yiraahdo dareere kiish wadneedka kaasoo diida inay is xoqaan lakabyada marka wadnaha jugleynayo.  GIDAARRADA WADNAHA Gidaarka wadnuhu wuxu ka kooban yahay saddex lakab oo nudo ah. Gidaarka wadnuhu wuxu ka kooban yahay muruq gaar ah, oo la yiraahdo muruq wadneed. Muruga wadna- ha waxa ku ...

WADNAHA(HEART)

 Casharka 1aad. WADNAHA(HEART) Wadnuhu waa xubin muruqeed, moqor(god) ku leh gudaha, waana xoogga wada dhiigga. Wadnuhu wuxu ku yaalaa bartamaha saablayda, sambabada dhexdooda, wadnuhu wuxuu leeyahay qaabka toobinka, taas oo salka wareegsan ee wadnuhu u jeedo xagga sare, wuxuna u janjeedhaa xagga midigta, caaraddiisuna waxay u jeedaa xagga hoose, waxayna u leexsan tahay bi- dixda. Caarada wadnuhu waxay ku beegan tahay bogga du- shiisa. Qofkasta wadnihiisu wuxuu leeyahay tantoomadiisa, wad- naha dhererkiisu waa 1.25 sm, ballarkiisuna 8.75 sm, dhumuc- diisuna 6.25 sm. Wadnaha culayskiisu waa 250 gms. DHISKA GUUD EE WADNAHA. Wadnaha waxa laba isle'eg u qaybiya qodob muruqeed, ka bilaabma salka kuna dhammaada caaraddiisa. Labada qay- bood waxa la kala yiraahdaa dhinaca midigta ee wadnaha iyo dhinaca bidixda ee wadnaha. Xiriir toosani kama dhexeeyo labada qaybood ee wadnaha. Labada dhinac ee wadnuhu wuxuu dhinac waliba u sii qayb samaa laba qol. Labada qol ee sare ee wadnaha waxa la yir...

𝐗𝐚𝐧𝐮𝐮𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐜𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐦𝐚𝐥𝐚𝐠𝐚 𝐛𝐨𝐠𝐬𝐚𝐧 𝐤𝐚𝐫𝐚𝐚?

 𝐗𝐚𝐧𝐮𝐮𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐜𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐦𝐚𝐥𝐚𝐠𝐚 𝐛𝐨𝐠𝐬𝐚𝐧 𝐤𝐚𝐫𝐚𝐚?  Macaanku dhowr nooc ayuu leeyahay, nooca aynu halkan kaga hadlaynaa waa nooca labaad oo inta badan ku dhaca dadka da’doodu ka wayntahay 40, miisaankoodu culusyahay, cuntadoodu aanay miisaanayn, jimicsiguna ku yar yahay. Guud ahaan, macaanku waa xanuun kasii dara oo khatartiisu la korodho da’da qofka iyo mudadda uu hayay. Hasayeeshee, dadka macaanka qaba su’aasha aan maskaxdooda ka bixin, markasta oo ay ila kulmaanna i waydiiyaan waxa weeye Macaanka ma ka bogsan karaa? Suurto gal ma tahay in aad mar uun dawada joojiyo? Labadaa su’aalood ayaan isku dayi in aan qormadan kaga jawaabo.  Marka hore aynnu dooranno ereyga meesha ku habboon. Bogsasho “reversal” waa erey culus oo tilmaamaya xanuunka oo si rasmi ah u taga. In la yidhaa waa laga bogsan karaa waxay u baahantay daliil culus oo lagu taageero. Daliilkaasna wali lama helin. Ereyga su’aasheena ku habbooni waa ladnaansho (remission). Macaanka malaga l...

Thyroid Storm.

Thyroid Storm. Thyroid storm ku waa xaalad degdeg ah oo uu gali karo bukaanka qaba Hyperthyroidismka ama Graves disease maadama ay kor u kacdo hoormoonada uu soo daayo thyroid gland ku haddii aan la dawayn . Maxaa sababi kara? Waxa sababi kara bukaanka oo uu la soo darso warwar badani,caabuq ,qaliin lagu sameeyo isla qanjidhka ama dhaawac soo gaadha tayroodhka sidoo kalena waxa sababi kara qofka oo aan dawooyinka xanuunada aan soo sheegay si fiican u qaadan ku wax oo hoos u dhiga soo daynta uu soo daayo thyroid gland ku hoormoonnada  T4 iyo T3. Calaamadaha  Calaamadaha wax aka mid ah,xumad,hunqaaco,shuban,wadnaha oo si aan caadi ahayn u garaacma,baaxaa deg,dulqaad la’aan ilaa marka danbe qofka lagu arko caalamadaha xaalada nafsi ee loo yaqaan “Delirium” oo koobsanaysa kacsanaan,xanaaq,niyadoo is bedbedasha farxad iyo cadho iyo inuu arko maqlo,arko, dareemo waxan la arkayn la maqlan lana dareemnayn laguna soo koobo eryagan”hallucinations” badanaana dadka caadiga ah iyo dhakhaat...

KaankaradaTayroodhka (Thyroid cancer)

 KaankaradaTayroodhka (Thyroid cancer) Thyroid cancer waa kansarka ka soo baxa isla qanjidhka thyroid-ka la yidhaahdo,waxaana qofku ka shakiyi karaa marka si dhakhso ah uu isugu arko in cunaha ugu soo baxay soo bax aan jilicsanyn markuu taabto iskuna arko xabeeb”codkoo qofka caadi uga soo wada bixin”,qofkoo dhawaan radiation therapy cunaha ama madaxa ah loo sameeyay . Sababaha  Sababaha keena badanaa lama yaqaano se waxay u badan tahay arrin la xidhiidhka isbeddel ku yimaada unugyada “mutations”. Waxaana loo qaybiyaa (Papillary Carcinoma,Follicular Carcinoma,Anaplastic Carcinoma, iyo Medullary carcinoma”iyo qaar kale ,waxaana ugu badan Papilary Carcinoma,oo 60-70% la arko ,waxaana u badan haweenka bukaanaduu ku dhaco. Calaamadaha  Kansarku marka hore calaamado ma laha marka uu koro wuxuu leeyahay calaamadahan,”buurooyin cunaha qofku ka dareemo markuu taabto,cunaha oo xidhma xabeebna uu qofku sidaas u yeesho,cunah oo xanuuna cuntadana liqi kari waayo iyo  qanjidhada a...

Pheachromocytoma

 Pheochromocytoma Waa ka soo bax aad naadir { tumor}  u ah kaasoo ku sameysma bartamah mid ama labada qanjir kelyeedka{adrenal glands } ka soo baxyadaan waxay ka sameysan yihiin qeybo cayiman loo yaqaan chromoffin cell, kuwaasoo soo saaraya  hormoonno kuwaasoo keenaya dagaal ama carar{ fight and flight} ka falcelin.  Badanaa pheochromocytoma waa buro aan kaan kaankaro (non-cancer) ahayn. Ku dhowaad 10% ilaa 15% waxay noqon kartaa kansar. Aynnu isla fahanno shaqada ay innoo qabtaan hormoonnadan siday jirka ula falgalaan. Qanjir kelyeedka (Adrenal gland) Qeybtaan loo yaqaan adrenal medulla waxaa laga soo daayaa  hoormoonka loo yaqaan catecholamine, catecholamine waa hoormoonno gaaraya ilaa iyo seddex hoormoon waxaana kamid  ah sida hoormoonka epinephrine, nore-pinephrine iyo dopamine waa hoormoonno farriin wadeyaal ah waxayna ka samaysan yihiin borotiin waxayna ka qeyb qaataan shaqooyinka ka dhex dhaco jirka.Epinephrine iyo nore-pinephrine waa labo hoormoon o...
 Female Hypogonadism (Madhalaysnimada Dhadiga ku dhacda)  Casharkan waxaynu kaga hadlaynaa xanuunka keena in dhadigu ay la kulmaan cilad madhalaysnimo oo ah mid aan hoormoonnada jinsiga la soo saarayn sida LH iyo FSH kuwaasoo sababaya in aanay Ugxansidayaashu  soo saarin hoormoonka dhadiga ee Estrogen iyo Progesterone taasoo iyana sii sababaysa inaanay Ugxansidayaashu  samaynin ugxantii sidoo kalena aanay dhiig u dhismayn makaankii si hadday macarimi dhacdo ilmo ugu abuurmi karo hadday taasi dhacdana waxa imanaysa in madhalaysnimo dhanka haweenayda ahi timaado waxaana afka qalaad lagu yidhaahdaa "hypogonadotropic hypogonadism " Ama "secondary hypogonadism" Oo ka dhigan qanjida jinsiga oo hoormoonnada ay soo dayn jireen aanay soo daynin cilad keentayba gaar ahaana qanjidhka maskaxda hoosteeda ka laalaada ee la yidhaahdo Laa'laade "Hypophysis" Ama bituitari ee aynnu ilaa hadda ku jirno xanuunada ku dhaca, ciladanina waa ta ugu sahlan ee la dawayn karo la...

Gabnawga qanjid taraneedka. (Hypogonadisism ) ama yaraanshaha testosterone

 Gabnawga qanjid taraneedka.  (Hypogonadisism ) ama yaraanshaha testosterone.  Waa xaalad xiniinyaha aysan soo saareyn testosterone ku fillan{hormoonka ragga}.  Yaraanshaha hormoonka ragga{ low testosterone } waxa keeni kara xaalad walba ku timaada xiniinyaha ama xarrunta laga maamulo qanjirada(hypothalamuska) ama  qanjirka pituitary. Waxa uu saameyn ku leeyahay da'aad walba  marka dhalashada iyo wayninka.  Badanaa waxa uu saameyaa. Duqowda,Dadka cayilka leh,Dadka qaba xanuunka macaanka{ type 2 } aad u daran.Dadka qaba xanuunada raaga sida kelyaha shaqadooda hakad galaan. Xanuunnada beerka {like liver cirrhosis}. Xiniinyaha ragga (testis) Xiniinyaha ragga waa xubinta ugu muhiimsan ee hab dhiska  taranka ee jirka bani’aadamka gaar ahaan labka. Waa qanjir ka qeyb qaata taranka sababtoo ah wuxuu soo saaraa  hoormoon ka qeyb qaata diyaarinta xubnaha taranka ragga sidoo  kale xiniinyaha waxay sameeyaan shahwada taasoo door muhiim ah ka ciyaar...

GARGAARKA DEGDEGGA AH IYO WAXTARKIISA (QOFKII NOOLEEYA...)

 GARGAARKA DEGDEGGA AH IYO WAXTARKIISA (QOFKII NOOLEEYA...) Sannad kasta, shilalka gawaadhidu waxa ay sababaan dhimashooyin iyo dhaawacyo aad u badan. Taas waxaaba ka sii daran boqollaalka qof ee jooga goobaha shilalku ka dhacaan, ama dhaawaca isa soo dultaaga, iyaga oo aan wax caawimo ah u fidin karin dadka shilalka ku dhaawacma. Waa run dhimashada iyo badbaadaduba gacanta Ilaahay ayay ku jiraan, iyada oo ay taasi jirto, haddana; haddii uu qofku aqoon u leeyahay gargaarka degdegga ah waxa uu sabab u noqon karaa in uu badbaadiyo nolosha dadka ku dhaawacma shilalka daqiiqadaha ugu horreeya. Waxa laga yaabaa maalin maalmaha ka mid ah in aad foolkafool u waajahdo qof ehelkaaga ah ama asxaabtaada ah oo dhaawac halis ahi uu soo gaadhay, laf dheer ka jabay, suuxay, wadnaha lagaga soo booday, neefqabatoobay, amaba biyo ku  qarqoomay, ka dibna caawimadii saxda ahayd ee ay u baahnaayeen aad u fidin kari weydo, debeedna aad ciil iyo caloolyow dartii dibinta ruugto, in aad noloshooda bad...

SOKOROWGA(Diabetic)

 SOKOROWGA(Diabetic).    Waa maxay sokorow? Nuucyada sokorowga Calaamadaha sokorowga Maxaa keena sokorowga? Carqaladaynta ku imaata insulinta Sidee loo daweeyaa sokorowga? Waa maxay sokorow? Sokorowga ama macaanka waa xaalad ka imaada daciifidda awoodda jirka si uu u isticmaalo sokorta(gulukooska )dhiigga ku jira. Haddii aan la maareynin cudurka macaanka wuxuu horseedi karaa in sokorta dhiigga ku jirta ay badato, taas oo keeni karta dhibaatooyin halis ah, oo ay ku jiraan istaroogga iyo cudurrada wadnaha. Nuucyo kala duwan oo sokorow ah ayaa jiro, maareynta cudurkana waxay ku xirantahay nuuca cudurka ee qofka haayo.  Sokorowga kaliya kuma xirna haddii qofka miisaankiisa aad u culus yahay, da’diisu weyntahay, ama uusan sameenin jimicsi, waxa uu ku dhici karaa qof walba, waxaana jiro nuuc sokorowga ka mid ah oo ku dhaca caruurta. Nuucyada sokorowga Waxaa jiro ilaa Saddex nuuc oo sokorow ah, oo kala ah; nuuca 1-aad, nuuca 2aad, iyo sokorowga uurka. Nuuca 1-aad ee sokorow...