Posts

Showing posts from November, 2023

Casharka 15aad

 Casharka 15aad Myocardial ischemia..... Myocardial ischemia waxay dhacdaa marka qulqulka dhiigga wadnaha uu yaraado, taasoo ka hortagaysa muruqa wadnaha inay helaan ogsijiin ku filan. Socodka dhiigga oo yaraada badanaa waa natiijada qayb ama gabi ahaanba xidhmaya xididdada wadnahaha (coronary arteries).  Taasoo ay ugu wacan tahay isku darka  ciriirsanka xiddidka, iyo  xirinka xiddidka, hawlgab ku timaada indhosiiliyimka( endothelial dysfunction) waxa dhaceysa in xiddidka si aan habbooneyn u ceejismo( vasoconistriction), waxay keeneysaa isku dheellitir la'aanta ku imaneysa muruqa( wadnaha) hawada iyo dhiigga u baahan yahay. Waxay yareeneysaa awoodda muruqa wadnaha, si uu markaasi dhiigga u buufiyo. Si lama filaan ah ama xiritaan daran inuu ku yimaado mid kamid ah halbawlaha wadnaha waxay keeni kartaa wadna qabad.   Myocardial ischemia  waxay kaloo keeni kartaa inay is beddesho korontada wadnaha. Haddii xiddidada noqdaan kuwa xirma waxa ay qaldayaan in ...

Casharka 14aad

 Casharka 14aad Istaaga wadnaha (heart attack)? Wadnaha wuxuu istaagaa marka ay mid ama dhowr ka mid ah dhuumaha dhiigga nadiifka ah siiya muruqa wadnaha ay xirmaan, taas oo sababeysa in muruqa wadnaha uu waayo hawada oksijiinka ah. Marka uu wadnaha heliwaaya oksijiin ku filan, waxaa bilaabaneysa inay dhintaan unugyada muruqa wadnaha. Wadnaha oo istaaga wuxuu ka mid yahay cudurrada ay rag iyo haween badan u dhintaan, sannad walba hal milyan ayuu wadnaha istaaga , boqolkiiba 50 oo dadkaas ka mid ah ayaa dhinta waxayna ku dhintaan hal saac gudaheeda marka ay isku arkaan calaamadaha wadna xanuunka ka hor inta aan isbitaal la geynin.Istaaga wadnaha waa xaalad deg deg ah ee ha yareysanin. Baro calaamadaha lagu garto istaaga wadnaha (heart attack). Waa maxay calaamadaha lagu garto istaaga wadnaha (heart attack)? Qofka wadnaha ka xanuunsan waxaa dhici karta inuu isku arka mid ama dhowr ka mid ah calaamadaha soo socda: Feeraha oo aad u xanuuna qofka ama uu culeys dareemo. Culeyska ama xanu...

Casharka 13aad

 Casharka 13aad Hypertrophic cardiomyopathy (HCM)? Waa xanuun saameya  muruqyada wadnaha, waa xaalad ay ku bada yihiin da'aada yaryar kaasoo ku keeneysa dhimasho dagdag ah,waxa adkaanaya muruqyada wadnaha  gaar ahaan  dhegyarayaasha(ventricles)  ama qololka hoose ee wadnaha. 1:Dhagyadraha biddix inuu adkaado. 2: Hani-laba faraale(Mitral valve) inuu isbeddelo. 3:Unugyada inuu isbeddel ku yimaado 1:Inay adkaadaan muruqyada wadnaha  gaar ahaan  dhegyarayaasha(ventricles)  ama qololka hoose ee wadnaha. Waxa  uu badana ka dhacaa  qoqobaha( septum).  Qobobaha waa muruq darbiyeed kala qeybsha qeybta biddix iyo midig ee wadnaha. Waxa adkaanaya qoqobaha u dhexeeya qololka hoose ee wadnaha.  Adkaanshaha qoqobka waxa uu sababayaa in uu ciriiri noqdo  ama yaraado qulqulka dhiigga ka imanaya  dhagyraha beddix ilaa gar wadneedka( aorta) waxa loo yaqaana xirmasho marineed. Dhegyarayaasha waxay buufinayaan dhiigga  si adag, si m...

Casharka 12aad

 Casharka 12aad Dilated cardiomyopathy  Waxa uu dhacaa marka wadnaha qeybta wayn dhiigga buufisadhegyraha biddix(left ventricle) uu noqdo mid weynaada.  Waa xaalad daran.  Waxa uu saameyaa meelo badan oo wadnaha kamid ah. Waa xanuunnada saameeya murqaha wadnaha. Dhagyaraha bidix( left ventricle)waxa uu noqonayaa mid weynaada,  nudahana waxa uu noqdaa mid dhuuban, taasi waxay sababeysaa in awoodda buufiska uu yaraado.   Waxayna keeneysaa in wadnaha uu hawl gabo(  heart failure). Waxyaabaha yareyn kara inuu yaraado kogitaanka muruqa wadnaha waxa kicinaya( activation) hannaan loo yaqaan frank starling mechanism ( waxa lagu ogaadaa sida wadnaha falcelin uga bixiyo isbeddelka ku imanaya dhiigga xiddidka ku soo laabanaya, waxa uu isku nidaamshaa caddadka dhiigga daqiiqada uu buufinayo).  Waxa siyaada awoodda kala bixitaanka muruqa wadnaha( increase end-dystolic volume)  waxa dhaceysa inuu adkaato iyo inuu kala baxo dhagyaraha (  dalition ...

Casharka 11aad

 Casharka 11aad Coronary artery disease?  Waa in  uu cidhiidhi noqdo ama xidhmo halbowlaha quudsha wadnaha( coronary arteries)  waxa ugu wacan in uu ka buuxsamo dux.  Xidhankaasi ayaa go'aaminaya intee in la'eg ayaa gaadhi karta  wadnaha dhiig. Xirranka uu xidhmo  waa sida taraafik jaam baabuurta isku noqdaan  cidhiidhi,  ciriigaas ayaa ka dhallaneysa in gawaarida  ay si tartiib ah u socdaan.  Coronary artery waa sidaas oo kale ciriiga uu noqdo ayaa abuurmeysa in ay xinjidh ku sameysmato halbowlaha dhexdiisa.  Xinjirtaas waa sida  kala bare waddada dhexdeeda, Xiddidka ayay kala badheysaa,  dhiigga sidaas ayuu ku joogsanayaa.  Waxa adkaanaya in dhiig wadnaha uu gaadho,  taasina waxay keeneysaa in qofka ku timaado  wadne qabad(heart attack). Coronary arteries waa xididada dhiigga gaarsiiya wadnaha waana laba  xidid oo midig iyo bidix ka jira wadnaha kuwaas oo kasoo baxa halbowlaha weyn ee ku yaala ba...

Casharka 10aad

 Casharka 10aad Hoos u dhaca caddaadiska dhiigga.(hypotension). Hoos u dhaca dhiigg waa   cadaadiska dhiiggu  uu hoos u dhaco, sida caadiga ah qofka caafimaadka qaba  cadaadiska dhiigga qaybta sare waa in ay noqotaa 120 millimeters of mercury (mm Hg).  Qaybta hoosana waxa laga rabaa 80 millimeters of mercury (mm Hg). Waa marka caddaadiska dhiigga uu ka yaraado inta loogu talagalay{normal}. Marka uu ka hoos maro 90/60 ayaa la odhan karaa caddaadiska dhiigga hoose ayaa yar. Waxa loo qeybiyaa dhowr nooc. 1: orthostatic hypotention:  waa xaalad si dagdag qofka dhiiggiisa hoos u dhigeysa caddaadiska goorta isagoo fadhiya uu damco inuu istaago ama marka uu jiifsado{ lying down}. Waxaana sababa  fuuq-bax,  waqti dheer oo sariirta lagu jiifo,  uurka, iyo xaalado caafimaad  iyo dawooyinka qaarkooda. Marxaladini waxay ku badan dadka duqowda ah. 2: postprandial hypotention: xaaladdani waxay dhacdaa qofka marka uu cunno kaddib ½ saacadood kaddi...

Casharka 9aad

 Casharka 9aad Cadaadiska dhiigga sare(hypertension). Cudurka dhiig-karka(hypertension) waa cudur joogta ah oo kamid ah cudurada u gogol xaadha xaaladaha caafimaad ee dilaaga ah sida wadna istaga (heart attack), maskax oo dhiig-furmo (stroke), kelya oo fadhiista(kidney failure), cudurada xididada dhiiga sameeya (vascular diseases), iyo sidoo kale xaalado kale oo cul-culus, haddaba qeybta koobaad ee maqaalkan waxaan ku eegi doonaa waxa uu yahay cudurkan, calaamadihiisa, iyo waxyaabaha sababa ama keeni kara. sidoo kale haduu alle idmo qeybta labaad waxaan ku eegi doonnaa habka loo daweeyo iyo talooyin muhiim ah oo ku socda bukaanka qaba cudurkan, talooyinkaas oo khuseeya nolol maalmeedkooda. WAA MAXAY DHIIG-KARKU? Cadaadiska dhiiga ama caadaadiska(pressure)-ka dhiiggu waxa uu ku xidhan yahay hadba awoodda uu wadnuhu ku shaqaynayo, haddii si kale aan u sharaxanno waa marka dhiigga wadnuhu tuurayo ama ka imanayaa ee waraabinya dhammaan xubnaha jidhka intiisa kale uu cadaadis badan oo a...

Casharka 8aad

Casharka 8aad Fashilanka wadnaha(Heart Failure). Fashilanka wadnaha  wuxuu dhacaa marka muruqa wadnuhu aanu u awooddin dhiigga sidii la rabay inuu u tuuro.  Haddii ay dhacdo marxaladani dhiigga gadaal ayuu u soo noqdaa, iyo dareere ayaa ku soo ururi kara sambabada waxay keeneysaa in  neefsashadu yaraato. Socodka dhiigga ayaa hoos u dhaca ka dibna dheecaan ayaa ku urura sambabada ama qaybaha kale ee jidhka.  Xaaladahaan waxaa ka mid ah xididdada wadnaha oo cidhiidhi ah iyo cadaadiska dhiigga sare oo kacsan. Laakiin  wadna fashilanka waxa uu qatarka galin karaa nolosha qofka, haddii uu yahay mid daran calaamadiisa.   Qaarkood waxay u bahdaan in   wadnaha loo beddelo, qaarka kalana loo galsho aalad ka caawisa in dhiigga la buufiyo. Sidee ku dhacaa fashilanka wadnaha. Waa in ay ku timaado awooddo wadnaha muruqa iyadoo uu soo gaadhayo dhaawac ama  culeys awood leh inuu fuulo. Waxa keeni kara xaalado tira badan oo ay ka midyihiin  in muru...

Casharka 7aad.

 Casharka 7aad. WAA-WAREYDA WADNAHA   Wadnahu waa xubin hilib ka sameysan (Myogenic Organ) oo aynnu ku wadano laabta dhankeeda bidix. Wuxuu kamid yahay xubnaha saldhigga u ah nolosha jirka. Muddo qarniyo badan ah ayuu aadmigu si gaar ah ugu howlanaa kororsiga ogaallada ku hareereysan xubintan. Wixii ka horeeyey qarnigii 20-aad, tallaabooyinka uu aadamigu u qaaday dhanka garashada asraarta wadnaha, waxay ahayd mid kooban. Aqoonta Cardio-Anatomy iyo Cardio-Physiology ayaa lagu soo ururshey ogaallada laga dhaxlay tijaabooyinkii lagu daba-galay wadnaha ee waayahaas. Waxaa weheliyay in xog baan laga ogaaday qaabka uu wax-qabadkiisu isu beddelo marka ay xanuunada kala duwan ku dhacaan. Sidaa darteed, wadnuhu ma dhaafsiisneyn in uu u muuqdey saddex dabaqadood oo hilib is dul-saaran ah (pre-cardium, myo-cardium, iyo endo-cardium). Waxaa kaloo wadnuhu uu leeyahay afar qowladood (four chambers) oo gudaha ka dhisan, kuwaas oo laba dabaq ah. Waxaa weheliya albaabo (valves) u dhexeeya daba...

Casharka 6aad

 Casharka 6aad Wareeggu dhiigga wuxu u qaybsamaa afar (4) qaybood :- 1. Wareeg guud. 2. Wareeg sambabeed 3. Wareeg albaabeed 4. Wareeg wadneed WAREEGGA GUUD Wareegga guud waa habka dhiigga ogsijiinta leh loo geeyo nudaha ka aan ogsijiinta lahayna loogu soo celiyo wadnaha. Garku wuxu ka tagaa caloolyarta bidixda ee wadnaha, wuxuna u kala baxaa laamo dhiig oo gaara dhammaan xubnnaha(oorgannada) jirka, waxana dhiigga ka soo celiya jirka arooreyaasha. Marka u dambaysa dhammaan arooreyaashu way isu yimaadaan waxayna sameeyaan aroore godeedka sare iyo kan hoose. Labadan aroore waxay dhiigga ku soo celiyaan dheg- yarta midigta ee wadnaha. WAREEG SAMBABEED Wareeg sambabeedku waa habka dhiigga aan ogsijiinta lahayn ee ka taga caloolyarta midigta si loo geeyo samba bada, dhiigga ogsijiinta lehna loogu soo celiyo dhegyarta bidixda ee wadnaha. Halbowleyaal sambabeedka midigta iyo ka bidixdu waxay qaadaan dhiigga aan lahayn ogsijiinta, waxayna geeyaan sambabada. Halbowleyaroyaashuna way sii qay...