Posts

Showing posts from December, 2023

Casharka 25aad

 Casharka 25aad Cardiac tamponade Waa xaalad  dag dag ah  taasoo  dareere  uu ku ururo  xuub wadneedka( pericardium)  kaasoo cadaadis saaraya  wadnaha,  waxa uu keenayaa in uu awooddi waayo wadnaha inuu dhiig tuuro. Marka wadnaha aanu dhiig ku fillan  u buufin si qumman,  waxa hoos u dhacaya cadaadiska dhiigga.  Garaaca wadnaha  waxa uu noqonayaa mid aad u siyaada. Si markaasi iskugu dayo  inuu dhiigga buufiyo. Gudaha laabta ( wadnaha)  waxa ku jira kiish  loo yaqaan xuub wadneed ku hareeysan wadnaha. Waxa  uu leeyahay   labo lakab iyo xuub wadneed hoore ku jira kaasoo ilaalinaya  wadnaha.Hooraha(  cardiac tamponade) wadnaha gala waa dheecaan ama dhiig, maxaa yeelay  hooraha ku urura wadnaha ma jiro meel uu ka baxo,   wadnaha ma awooddayo inuu kala baxo. Hoorkaasi waxa uu ka buuxsamayaa wadnaha iyo muruqa u dhexeeya taasi waxay diideysaa in wadnaha garaacmo. Sida ...

Casharka 24aad

 Casharka 24aad Dilaaca halbowlaha(aorta dissection) Halbowlaha waa midka ugu ee jirka dhiigga gaarsiiya.  Waxa uu leeyahay laammo ka soo baxa waxa uu qaadaa  dhiigga agsijiinta leh.  Halbowlaha waxa uu leeyahay seddex lakab oo adag. Marka uu dilaaco lakabka hoose, dhiigga waxa uu u dhaqaaqayaa inta u dhexeysa lakabka dhexe iyo midka hoose ee halbowlaha.  Waxa loo kala saaraa labo qeybood.  Dhiigga waxa uu keenayaa dilaacaa lakabka hoose, waxa uu sababayaa kuus iyo in ku keeno daciifnimo meesha hawlbowlaha ka dilaaco. Nooca koowaad waxa uu caan ku yahay dilaaca gar fanta(aorta ascending) ka imaya wadnaha.  Jaadkan dilaacan waa mid qatar ah maxaa yeelay waxa uu dhacaa xirranka wadnaha.  Nooca labaad. Dilaacan waxa uu  ka dhacaa qeybta hoose ee garka hoorka wadnaha(descends) dhanka ubucda. Sidee u shaqeeyaa halbowlaha? Xididka ugu weyn ee halbowllaha waxaa loo yaqaannaa garka wadnaha(aorta), waa xiddidka ugu weyn ee jirka kaasoo ay kasoo farcam...

Casharka 23aad

  Casharka 23aad Prinzmetal angina. Waa xaalad dhif ah.  Waa nooc ka mid ah laab xanuunka. Badanaa waxa uu dhacaa inta u dhexeysa saqda dhexe iyo aroorta, qofka haddii uu jiifo iyo haddii uu nasiinno ku jiro waxa uu dareemayaa laab xanuun. Laab xanuunka waxa keenna  dhiig ku filan aanu helin muruqa wadnaha.  Badana waxa keenna xiddidka wadnaha oo si dhammeytiran u xirma.  Xiddidka wadnaha quudiya oo koga ayaa ka masuul ah in xiddidka si dhammeystiran u xirmo.   Kogitaanka(construction) waxa uu sameynayaa in dhex roorka halbowlaha  uu yaraado,  waxa ciriirsamaya socodka dhiigga iyo ogsijiinta ee wadnaha, taasina waxay keeneysaa in qofka laabtu xanuunto.  Badanka dadka xaaladan( prizemental angina)qaba waxay leeyihiin xanuunka ku dhaca xiddidka ama awdanka xiddinka taasina waxay keeneysaa in wadnaha uu istaago. Maxaa keenna kogitaanka muruqa(coronary spasms)? Lama yaqaanno waxa saxda ee keenna kogitaanka xiddidka.  Waxa ugu wacan keen...
 Casharka 22aad Unstable angina waa laab xanuun dhaca xilliga qofka nasiinnada ku jiro.  Badanaa waxa ugu wacan dilaac uu keenno ama  xiran ku yimaada  xiddidka quudiya wadnaha,  xirrankaasoo aan ahayn mid markaasi u xiraya si dhammeytiran.  Ma jiraan dhimasho xagga muruqa wadnaha uu dhintay. Wadnaha ma ahan mid dhiig ku filan iyo igsijiin helaya,  taasoo ugu wacan xirranka ay xirto xinjirta xiddidka quudinaya wadnaha. Waa nooc kamid ah laab xanuunnada qatarta ah  kaasoo keenni kara in muruqa wadnaha uu dhaawacmo,  kaddib ay horseedo wadna istaag haddii aan si dagdag lagu daaweyn.  Laab xanuunkani waxa uu leeyahay darnaansho dagdag uu qofka dareemayo. Maxaa keenna Waxa ugu muhiimsan keenna  xanuunka ku dhaca xiddidka quudiya wadnaha taasoo sababeysa in wax isku xiraan  darbiyada  hawlbowla yarayaasha( dufan).  Xirrankaasi waxa uu sababayaa in hawlbowlaha uu noqdo mid ciriiri ah kaddibna uu noqdo mid adag.  Waxa y...
 Casharka 21aad Angina waa laab xanuun ku meel gaar ah ama dareen cadaadis ah oo dhaca marka baahida wadnaha ee ogsijiinta aysan ku filneyn cadadka dhiigga wadnaha. Qulqulka dhiigga waxa uu noqdaa mid xaddidan, goorta uu xididka noqdo mid ciriiri ah waxa keeni kara awdanka xididka, ama   halbowlaha quudiya wadnaha ceejisma. In laab xanuunka bilowdo waxa u sabab ah awdanka xididka  badanaa qofka waxa uu dareemayaa marka  socod sameeyo ama  dareenkiisa uu qalqalo. Haddii uu xidhan yahay halbowla yaraha 70%  waxa uu dareemayaa laab xanuun.  Maxaa keenna. Muruqa wadnaha  waxa uu u baahan yahay  cadad quud oo ogsijiin ah.  Ogsijiinka waxa qaada  halbowlaha quudsha wadnaha.Marka muruqa wadnaha uu u shaqeeyo si adag waxa u baahanayaa ogsijiin aad u badan. Caalamadaha laab( angina) xanuunka waxa bilowdaa marka uu ku yaraado dhiigga muruqa wadnaha. Waxay dhacaa marka halbowlaha quudiya wadnaha uu noqdo mid cariirsan ama  xirmay sab...

Casharka 20aad

 Casharka 20aad Ololka Gudawadneed(Endocarditis) Waa olol keeni kara xaalad qatar ah, waxa ku dhacaa qeybta hoose wadnaha, qolalka iyo haniyaasha(VALVES).  Badanaa waxa keenna caabuq.  Sida bakteeriya, fangay, ama jeermis kaasoo soo raacaya qulqulka dhiigga kuwaasoo dhaawac  gaarsiinaya wadnaha.  Waxa ku dhici karaa dadka loo galsho haniyaha macmalka.  Haddii aan la daweyn waxa ay keeni kartaa in dhaawac xooggan uu soo gaaro ama uu burburo haniyaha wadnaha.   Ololka guda wadneedka(Endocarditis) waxa uu dhacaa marka bakteeriyda ama jeermis uu soo galo qulqulka dhiigga, waxa u soo safrayaa wadnaha. Jeermiskaas waxa uu dhaawacayaa   haniyaha wadnaha ama  cadka wadnaha. Sunta ka timaada ama faldajiya kuwaasoo dilaya ama burburinaya nudaha taasoo keeneysa inuu dhibaateeyo haniyaha kuna faafo bannaanka wadnaha iyo xiddida dhiigga.   Guda wadneedka( Endocardium) waa xuub aad u jilicsan oo kasoo farcama xubnaha salka u ah wadnaha kaaso...

Casharka 19aad

 Casharka 19aad Ololka ku dhaca muruqa   wadnaha{ myocardititis}. Ololkan{ inflammation} waxa uu daciifinayaa muruqa wadnaha, wadnaha waxaa ku adkaanaya inuu dhiigga buufiyo. Waxa ay keeneysaa in qofka laabtu xanuunto, neefsashada ay adkaato, garaaca wadnaha saa’id ah uu noqdo. Waxa keeni kara  caabuq uu la socdo fayrus.  Haddii uu aad u daran yahay ololka muruqa wadnaha waxa uu keeni karaa in  jirka dhiig ku filan heli waayo, xinjir ayaa ku sameymeysa waadnaha taasina waxay horseedi kartaa wadna istaag. Caadiyan jirkeenna waxa uu jawaab ka bixiyaa dhaawaca ama hambaabuqa{caabuqa}. Tusaale  marka jirkeenna  uu dhaawac  soo gaaro ama cadka ku hareereysan waxa noqdaa mid barara iyo mid casaada, waana calaamadaha lagu yaqaan ololka  ilaa inta dayactirka laga sameynayo. Mararka qaar difaaceenna ama waxyaabaha kale ee keenna ololka waxay innoo keeni karaan ololka muruqa wadnaha.Marka uu noqdo muruqa wadnaha mid ololsan (infalmed) ma awooddayo...

Casharka 18aad

 Casharka 18aad Pericarditis. Waa olol(inflammation)ku dhaca xuub wadneedka { pericardium}  waa kiish jilicsan ku wareegsan wadnaha.  Xuub wadneedka waxa uu leeyahay lakab hoose iyo mid kore waxa uu noqonayaa mid olola haddii uu dilaaco dhiig ama dheecaan ay galaan labada lakab.  Ololka xuubwadneedka waxa uu la xidhiidhaa in xuub wadneedka galo dheecaan, ololka xuub wadneedka waxa uu keenayaa in qofka dareemo laab xanuun, qandho aad u sarreysa. Xuub wadneedka waxa uu noqonaya mid guduuta, barara. Xuub wadneedka  waa difaac,  waa meel ay ku jiraan dheecaan, waxa uu caawinayaa in shaqada wadnaha sidii la rabbay in ay u kala socoto. Waxa uu innoo qabtaa in wadnaha booskiisa ku hayo, inuu ilaalsho marka wadnaha uu kala baxayo saa’id iyo marka dhiigga soo galayo. Waaxa uu ka difaacaa caabuqa wadnaha. Waxa ku jira dheecaan gaaraya 15 ilaa 50 ml.Waxa uu wadnaha siiyaa garaaseyn si aanu isku xoqin wadnaha iyo nudaha ku wareegsaan. Waxa uu ku yaalaa laabta halka u w...
 Casharka 17aad Awdan halbowleed(Atherosclerosis). Waa marka ay xiddidada hawlbawlayaasha ah ee dhiigga qaada ay adkaadaan, qul-qulka dhiigguna uu yaraado, sababtoo ah waxa marinkii dhiigga ku urura walxo (plaque).Waa xaalad  si tartiib ah   ugu dhismayaan walxo xiddidka  darbiyadiisa. Halbowlaha waa xiddido dhiigeed kaasoo qaada ogsijiinta iyo nafaqada si markaasi u gaarsiiyo xubnaha  iyo cadadka.   Walaxda( plaque) waa mid qatar ah sameyneysa dufan,kalistarool kaalsiyam waxyaabo kale si markaasi u xirmo halbowlaha(arteries).Ururka ay walxuhu ku ururaan xiddidada waxa ay joojiyaan ama culays ku keenaan hab-socodkii dhiigga ee uu dhex marayay halbowlayaasha. Walxuhu waxa ay ku samaysmi karaan qaybaha kala duwan ee halbowlayaasha sida kuwa, Kelyaha, Lugaha ama Wadnaha. Saamaynta ay walxahaa dhiigga joojiyay ay ku yeeshaan caafimaadka waa in ogsijiinta ay hoos u dhacdo kuna yaraato qaybo badan oo jidhka ka mid ah.Walxuhu waxa ay sababaan in ay xinji...

Casharka 16aad

 Casharka 16aad Restrictive cardiomyopathy (RCM).  Waa xalaad  ku timaada nudaha muruqa wadnaha ee dhegyaraha hoose kuwaasoo noqonaya  kuwa adkaada,  iyo  aanu dhiig  soo galin  dhegyarayaasha.  Tani waxay horseedeysaa in uu yaraado  qulqulka dhiigga wadnaha. Wadnaha waxa uu leeyahay  afar qol kaasoo ka sameysan muruq, muruqaasi waxa u ogolaanayaa in dhiigga la buufiyo.  Labada  dhegyare ee sare waxa u dhexeeya hibaaq, labada hoose waxa u dhexeeya dhagyare,  xanuunkani waxa uu sababayaa in ay adkaadaan  dhegyarayaasha( ventricles) aynna awooddi waayaan in ay dhiigga si dhammeystiran u tuuraan.  Waxa siyaadaya adkaansha muruqa wadnaha taasoo keeneysa cadaadiska dhegyaraha inuu kordho. Waxa uu dhacayaa marka dhiigga soo galayo hakad wadneedka taasoo carqaladeyn ku imaaneysa dhammaadka dhiigga soo galaya,  waxay abuureysaa ciriirsan.   Haddii uu xumaado dhegyraha ama uu adkaado  taasi waxay...