Casharka 4aad
Habdhiska neefsashada iyo xanuunnada ku dhaca Casharka 4aad Cidhib(Epiglottis): Cidhib(Epiglottis): carjawyadaani qaabkooda waa sida digirta oo kale waxayna ka sameeysan yihiin carjawyo jilicsan oo loo yaqaanno (fibro elastic cartilage) waxayna ku dhegan yihiin gunta dabacsan ee carjowga ee gudaha oogada darbiga hore ee carjada tayroodhka (thyroid cartilafe-ka) ayagoo ka hooseeyaan oogada adhaxda tayroodhka (thyroid notch).Cidhibta(Epiglottis-ka) waxay xiraan qulaanqushta(larynx-ka) inta lagu guda jiro liqida raashiinka ayagoo sambabada ka difaacaya in ay si lama filaan ah ugu galaan waxyaabaha banaanka ka yimid. Qeybta hore ee qulaanqushada (larynx-ka) sida godka codka(vocal cords-ka) waa laba god oo midab leh waa sida xarig geeso leh oo kale wuxuuna u dheer yahay qeybta qulaanqushada (laryngeal-ka) furan waxayna ku fidsan yihiin gidaarka gudaha tayroodhka (thyroid- ka). Marka ay murqaha koontaroolka codka ay soo saaraan waxaa kala baxa xariga codka (vocal cord) xariga codka ayaa...