Posts

Showing posts from December, 2024

Casharka 28aad

 Habdhiska Neefsashada iyo Xanuunnada ku dhaca.  Casharka 28aad Sidee COVID-19 Dadka U Dilaa? Sida ay tilmaamayaan baadhitaannada hordhaca ah ee kasoo baxaya xarumaha lagu dawaynayo dadka uu ku dhacay xannuunka COVID-19, in ka badan 99% dadka dhimanayaa waxay u dhimanayaan sambabadooda oo shaqadii joojiyay; xaalad loo yaqaan Acute respiratory distress syndrome (ARDS). Xaaladani waa marxalada ugu danbaysa afar marxalladood oo uu maro xannuunkan uu keenay SARS-CoV-2. Xannuunku waxa uu ka bilaabmaa sanka isagoo ku bilaabmaa xumad, qufac qalalan, iyo waxoogaa daal iyo damqasho guud ah; waxa uu uga sii gudbaa xumad xad-dhaaf ah (>39℃) iyo neef-qabad, qofka oo neefsigu ku adkaado iyo sakaarka oo si gaar ah u damqada, kuwani waxay astaamo u yihiin xannuunkii oo sanbabka gaadhay. Haddii uu kasoo rayn waayo Fayrasku (SARS-CoV-2)  waxa uu u degaa sambabka halkaas oo uu ku sameyo caabuq (viral pneumonia). Haddiiba xannuunku sanbabka gaadho waxa bilaabantay marxalladii adkayd; aql...

Casharka 27aad.

 Habdhiska Neefsashada iyo Xanuunnada ku dhaca.  Casharka 27aad. Koronofayrus(COVID-19). COVID-19 waa cudur aad u faafa oo ka dilaacay caalamka oo dhan, waxa uu ka dhashay caabuqa fayraska corona. COVID-19 wuxuu ku dhici karaa qof kasta, mararka qaarna malaha wax calaamad ah. Cudurkaan wuxuu keeni karaa calaamado aad u daran iyo dhibaatooyin keeni kara dhimasho, wali lama oga saamaynta buuxdo uu cudurkaan ku leeyahay jirka, laakiin wuxuu caadi ahaan saameeyaa nidaamka neefsashada ee jirka. Xitaa haddii uusan qofka lahayn astaamo, wuxuu cudurka u gudbin karaa dadka kale, waana muhiim in la qaado tillaabooyin looga hortagaayo arintaas.Ma jirto wax daawo ah oo ilaa hadda loo soo saaray cudurkaan, balse waxa loo soo saaray tallaal ka hortagi karo saamaynta badan ee cudurka, tallaalada ayaa hadda la heli karaa, xilligaan la joogana waa u bilaash qof kasta oo joogo soomaaliya.Si aad uga hortagtid COVID-19, waa muhiim inaad raacdid tilmaamaha hay’adaha caafimaadka ay soo jeediyeen oo...

Casharka 26aad

 Xab-adkaanshaha miiqow xashineedka(Cystic fibrosis). Casharka 26aad Waa cudur, qulqal ku dhaca unugyada qanjirada dheecaannadooda tuubbo marsiiya, kuwaasoo ay kamid yihiin qanjirada dheecannada dhaliya iyo kuwa dhididka dhaliya, waxaa la'og yahay cila- da hiddo wadaha ay ku jirto kaasoo ah lambar- ka taxanaha gacanka 7aad. Waana mid sidde ah oo labada waalid ay u gubin karaan cudur- ka ilmaha ay dhaleen, laakin waalidka dhib kuma qabaan. Qofka cudurkaan qaba waxaa jirkiisa ku yar fagal de-dejiye caawiya kala qa- adka iyo kala gudbinta awoodda danabeed ee xuubabka unugyada, taasoo sababta in dhee- caano dhiiqo oo kale u adag ay unugyada soo daayaan, sidaa daraadeed waxay cargaladey- aan qanjirada mindhicirada, taasoo sababta nafaqo daro iyo korid la'aan, habdhiska neefta marta oo jeermis gala, taasoo arrinta sii qasta. Dhididka jirka ka soo baxa aad ayuu u cusbo badan, taasoo ayaa caawisa astaanta cudurka lagu garto. Daaweeytiisa waa adagta- hay oo daawo looma haayo, ee waxaa k...

Casharka 25aad.

 Habdhiska Neefsashada iyo Xanuunnada ku dhaca.  Casharka 25aad. Neefsi hakadka hurdada(Sleep Apnea). Naafsi hakadka hurdada, gaar ahaan waqtiga la hurdo oo neefta soo bixi weyda.Tani waxaa sababa hab dhiska neefta marta  oo xerma ama carqaladeen yar ku dhacda.Sababaha Keena iyo khataraha ka dhalan kara neefta oo qofka ku xiranta hurdada, Neefta oo qofka ku dhegta xilliyada hurdada siiba habeenkii ayaa ah khatar caafimaad oo taxadarkeeda leh. Marka uu qofku khuuriyo ama uu aad u daalanyahay ayuu badanaa la kulmaa xaaladan. Neefta ayaa noqota mid hakad ku jirta mudo udhaxaysa ilbiriqsiyo ilaa daqiiqad. Waxayna dhibaato ku keentaa waqtiga uu qofku ku seexan karo hurdo ku filan, waxaa dhacda inuu qofku soo tooso marka uu marxaladaan lakulmo. Dadka khuurada saa'idka ah leh ayaa ugu badan dadka lakulma xaaladan. Waxaa loo qaybiyaa xanuunkaan la xariira hurdada saddex qaybood oo leh sababo kala duwan. Inta badana astaantaan waa mid raagta oo aan si dhaqso ah looga kabanin. Waxa...

Casharka 24aad aad

 Habdhiska Neefsashada iyo Xanuunnada ku dhaca.  Casharka 24aad aad Nuddayaal u dhexeeyaha(Interstitial Lung Disease (ILD) Waa lagu qeexaa koox xanuunno oo saameeya sambabada kuwaasoo ay ku keenayaan hafeef iyo miiqow(fibrosis) inta u dhexeysa kiish haweedka iyo xididdada dhiigga ee yaryar oo ku meegaaran kiish haweedka. Waqti badan kaddib unugyada sambabbada waxay noqonayaan kuwa adkaada, kuwasoo horseedaya in ogsijiinta ay hoos u dhacdo.Hafeefka waqti badan jirra waxa uu keenayaa in unugyada sambabada ay miiqoowaan gaar ahaan kuwa kiish haweedka.   Marka uu dhaawac soo gaaro unugyada kiish haweedka ama tiiftaafyada kuwaasoo ugu wacan deegaanka waxyaabaha la xidhiidha, sumowga,  caabuqyo iyo is weerarka difaaca jirka. Dhaawacaasi waxa la carinayaa hafeefka kiimikooyinkiisa kuwaasoo carqaladeynaya isku dheellitirka kiish haweedka.  Marka qiimowga uu qeybsamo waxa la soo saarayaa kolaajiin badan taasina waxay keeneysaa in kiish haweedka uu adkaado, sidaasna ...

Casharka 23aad

  Habdhiska Neefsashada iyo Xanuunnada ku dhaca.  Casharka 23aad Dillanka unugyada sambabka(Pulmonary Infarction). Waa marka uu dhinto nuddaha sambabka, taasoo ay ugu wacan tahay xirranka qulqulka dhiigga, badanaa waxa keenna xirrinka halbowle sambabeedka(pulmonaryembolism). Waxay dhacdaa marka ay xinjir isku xidho halbowlesambabeedka, badanaa waxay ka timaadaa xiddidada hoose ee lugaha, miskaha, xinjirtaasoo u soo baqooleysa halbowle sambabeedka, taasoo ugu dambeyn keeneysa dhiig yari, haddii ay dhiig yaraani dhacdo waxa meesha ka baxaya nafaqada uu heli lahaa nuddaha sambabka. Sida aan soo sheegnay xaaladdani waa dhimasho ku timaada nuddaha sambabada, taaso ugu wacan dhiig yari soo wajahda. Hannaankani waxa uu ku curtaa xirran ku yimaada halbowle sambabeedka, taasoo xidha xinjir, waxa ugu caansan waa marka ay xinjirta ka soo safarto addimaha hoose. Xirrankaasi waxa uu carqaladeynayaa socodka dhiigga, gaar ahaan kuwa sambabada, kuwaasoo nafaqo iyo ogsijiin soo gaarsiiy...

Casharka 22aad

 Habdhiska Neefsashada iyo Xanuunnada ku dhaca! Casharka 22aad Hawo oofeed(Pneumothorax ) Waa marka ay hawo gasho moqor sambabeedka, taasoo horseedeysa in sambabka badh uu soo ururo ama gabi ahaantiisa. Xaaladani waxay dhacdaa marka moqorka godka ee sambabka ay hawo gasho, kaasoo carqaladeyneysa cadaadiska taban ee muhiimka u ah  kala baxa xilliga neefshada  ee sambabka. Cadaadiska moqor gudeedka waxa uu noqonayaa mid togan, kaasoo sambabka ku keeneysa in uu kala bixi waayo.Waxay ka iman kartaa jug,  ama xanuun ku dhacay sambabada.  Waxa loo qeybiyaa labo qeybood. Hordhaca haweedka sambabka aan keenin wax cudur ah( Primary   Spontaneous Pneumothorax) Qofka malahan wax cudur ee sambabada ku dhaca ee keenna hawo sambabeedka, waxa jirro waxyaabo lala xidhiidhiyo sida, qofka inuu dheer yahay, caato yahay, uu yar yahay, lab uu yahay, sigaarya cabna uu yahay. Waxaa kaloo keenna xaalad dhaxal isku laran ah(marfan syndrome) kaasoo dhibaato gaadheysa hiddaha bo...

Casharka 21aad

 Habdhiska Neefsashada iyo Xannuunada ku dhaca. Hafeefashada xuub-oofeedka(Pleurisy). Casharka 21aad Hafeef iyo xanuun ka yimaada jeermis ku dhaca xuubka daboola sambabada, badanaa waxay sheegtaa jirro ku jirta sambab- ka, oo xuubka wuxuu isku befdellaa mid qaleel ah oo quruxdiisa iyo dhaldhalaalkiisa dhamaa- da oo isku dheg-dhegta, taasoo sababta xanu- un ka yimaada neefta markii la neefsanaayo, guuxeedana lagu maqli karo adeegsiga qalab- ka wax lagu dhageysto( takhaatiirta ay dhegaha gashadaan oo xab- badka ku dhegeystaan).  Waa xanuun ku dhaca xuubka loo yaqaan moqorka(Pleura) ee u dhaxeeya sanbabada iyo feedhaha kaas oo marka uu hafeef (inflammation)ku dhaco loo yaqaan Hafeefashada xuub-oofeedka( Pleuritis ama Pleurisy) ,kaas oo keena xanuun uu dareemo qofku marka uu neef qadanayo ama qufacayo Soomaaliduna markay cabirayaan yidhahadaan hawo ayaa feedhaha iga gashay sidoo kalena  ay ku qaldaan badanaa Oof-Wareenka/(Pneumonia).  Waxa ay dhacdaa marka olol uu noqdo ...

Casharka 20aad

 Habdhiska neefsashada iyo xanuunnada ku dhaca.  Casharka 20aad  Hooraha moqor sambabeedka (Pleural Effusion)  Waa marka moqor sambabeedka uu ku ururo hoore fogaanta moqorka sambabka, waxa u dhexeeyaa godka u dhexeeya sambabka iyo darbiyada laabta, kaasoo carqaladeynaya neefshada. Moqor sambabeedka waxa ku jirra cadad hoore yar ah oo gaaraya 10-20 ml, hoorahaasi waxa uu subkinayaa sambabada si ay u dhaqdhaqaan  Waxa siyaadaya Cadaadiska biyaha negi(Hydrostatic pressure), waxa keenna haddii uu jirro wadna fashilan, waxa uu siyaadinayaa cadaadiska xiddidada sambabada,  taasina waxay horseedeysaa in hooraha uu ka soo baxo tiiftaafyada, una soo gudbo moqorka sambabka. Yaraanshaha cadaadiska hoore celiska.(Decreased Oncotic Pressure): waxa keenna marka uu jirro in borotiinka(Albumin) uu yaraado, ama nafaqo darro, taasina waxay hoos u dhigeysaa balaasmaha, waxa ka dhallaneysaa in hooraha uu ka soo duso xiddidka una soo talaabo moqorka sambabka.  Waxaa loo qe...

Casharka 19aad

 Habdhiska neefsashada iyo xanuunnada ku dhaca.  Casharka 19aad Kacsanaanta dhiigga halbowle sambabeedka (Pulmonary hypertension).  Nooc dhiig kar ah oo ka yimaada carqaladeyn ku dhaca xididada dhiigga gaarsiiya sambabada, kaasoo ah cadaadis weyn gala xididadaas. Waxay ka dhalan karaan jirrooyinka wadnaha, sambabka iyo xinjiro ku bata xididdada dhiiga jirka oo idil. Waa kacsanaanta dhiigga halbowle sambabeedka( pulmonary hypertension). Xididada waxay qaadaan dhiig ogsijiinta aan lahayn iyagoo ka keenaya wadnaha una sii gudbinaya sambabada si ogsijiin nadiif ah loogu soo daro. Kacsanaanta dhiigga halbowle sambabeedka waxa keenni kara waxyaabo kala duwan,  waana dhibaato ka dhallatay xanuunnada wadnaha ama  sambabada ku dhacay, iyo waxyaabo kale lala xidhiidhsho deegaanka, sare u qaadi kara khatarka kacsanaanta dhiigga halbowle sambabeedka. Kacsanaanta dhiigga halbowle sambabeedka waa mid qatar ah, maxaa yeelay waxa carqalad ku imaneysaa socodka dhiigga ee wadnaha...