Posts

Showing posts from September, 2023

Hyperaldosteronism

 Hyperaldosteronism  Waa marxalad uu soo saarayo xaddi ka badan qanjir kalyeedka aldestrone. Ciriqa aldosterone waxa uu innaga caawiyaa inuu nidaamsho cadaadiska dhiigga, isagoo xakameynayo heerka botaasiyamta iyo soodiyamta dhiigga ku jirta.  Qanjirka wax  uu ka mid yahay habdhiska la isku yiraahdo endocrine.  Waxa uu sameeyaa hormoono ka qeyb qaata shaqada jirka si joogto ah. Qofka caadiyan waxa uu leeyahay labo qanjirkalyeed  kuwaasoo ku yaala kelyaha dushooda.  Waxa jirta labo qeybood oo waa weyn oo loo qeybiyo. 1: primary Hyperaldosteronism{ conn’s syndrome] waa marxalad ka timaada qanjirka  kalyeedka qudhiisa,  taasoo keeneysa in uu soo saaro xaddi badan oo aldosterone ah. 2: secondary Hyperaldosteronism:  waa marxalad ka imaneysa meel kale oo jirka mid ah taasoo keeneysa in uu soo saaro xaddi badan. Hyperaldosteronism waxa uu keenaa in cadaadiska dhiigga uu sare noqdo iyo in ay hoos u dhacdo botaasiyamta dhiigga ku jirta.  Ca...
 Hypoparathyroidism  Hypoparathyroidism ku waa xaalad caafimaad oo uu keeno hoormoonka qanjidhka parathyroid ku soo daayo, oo hoos u dhaca sababana calciumta dhiigga oo hoos u dhacda . Sababaha  Waxyaabaha ugu badan ee keenaa waa in isla qanjidhka parathyroidka qaliin lagu saaray, in qofka ku dhasho parathyroid la’aan,hypomagnesemia,sidoo kale radiactive iodine therapy ayaa keeni karta taasoo lagu daweeyo qofka qaba hyperparathyroidism oo ah casharkii kan ka horeeyay. Calaamadaha  Calaamadaha waxa ka mid ah ,muruqyadoo qofka xanuuna ,muruq urur “spasm” sida murqaha gacmaha,lugaha iyo calool majiir ,xasuustoo qofka xumaata ,sidoo kale waxa qofku isku arki karaa markuu qofku taabto dhabankiisa inay dibinta sare dhaqaaqdo iyo muruqa wajiguba lana yidhaahdo”Chvosteck sign”,sidoo kale waxa qofka xanuunkani hayo lagu arkaa marka la cabirayo dhiigga in qofka gacantiisu soo laabanto iyo farihiisuba waxaan la yidhaahdaa “Trousseau sign”,calaamadaha kalena waxa ka mid ah qofko...

𝐀𝐤𝐡𝐫𝐢- 𝐬𝐢'𝐚𝐚𝐝 𝐣𝐢𝐫𝐢𝐭𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚𝐚𝐠𝐚 𝐮 𝐝𝐚𝐫𝐞𝐞𝐧𝐭𝐨!!

 𝐀𝐤𝐡𝐫𝐢- 𝐬𝐢'𝐚𝐚𝐝 𝐣𝐢𝐫𝐢𝐭𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚𝐚𝐠𝐚 𝐮 𝐝𝐚𝐫𝐞𝐞𝐧𝐭𝐨!! Sawirka MRI oo laga qaaday maskaxda dad akhriyaya sheekooyin mala-awaalka ah (fiction stories) ayaa muujiyay in akhrinta sheekooyinka mala'awaalka ahi ay kordhiyaan isku xidhnaanta iyo wada shaqaynta unugyada labada dhican ee maskaxda. Qaybta maskaxda ee akhriska sheekooyinka mala'awaalka ahi cariyeen waxay ahayd qaybta la yidhaa "somatosensory cortex" taas oo ah meesha lagu dareemo dareennada muuqda sida dhaqdhaqaaqa, kulka, kaarka. Howl-gelinta korodhay ee qaybtan waxay akhriyeyaashii karsiisay dareen sare u gudbiyay jiritaanno ka baxsan deegaankii ku xeernaa iyo adduunyooyin kale oo barbar yaal adduunkeenna.  Akhrisku waxa uu leeyahay awood bogsiineed oo xoog badan. Waxa uu suuro geliyaa in qofku dareenkiisa barto iyo isu deexasho xeel dheer oo maskaxda ka furfurta dabarka iyo seetada afkaarta baaliyoobay ee xornimada garaadkiisa soo koobaya. Guud ahaan akhrisku, waxa la xaqiijiyay, in uu...

Hyperparathyroidism

 Hyperparathyroidism Waa xaalad qanjirka parathyroid uu soo saarayo xaddi ka badan hormoonnada uu qaabilsan yahay soo deyntooda.  Tani waxay keeneysaa inay korodho heerka kaalsiyaamta dhiigga loo yaqaano Hypercalcemia.  Waxa la soo deyn doonnaa kalsiyaam badan iyadoo laga keenayo lafaha.Haddii ay yaraato kalsiyaamta lafaha  waxa siyaadaya qatarta jabitaanka.In dheefshiidka uu ka soo nuugo kaalsiyaam badan cunnada la cunayo.In kalida ay ku badato kaalsiyaamta taasina ay keentaa dhegxaan kelyaha inay ku sameysmaan. Qanjirka ku yaala dhuunta parathyroid glands: Parathyroid glands waa afar qanjir oo yar yar oo ku dul yaala labada gees ee qanjirka loo yaqaan thyroid glands kaasoo ku yaala dhuunta waxayna leeyihiin midab jaalle ah ama huruud  xigeen ah.Waxayna shaqadoodu tahay in ay soo saaraan hoormoon iyagoo  hoos u dhigaya tirada macdanta dhiigga ku jirta.Qanjirkaan hoormoonka uu soo daayo waxaa lagu magacaabaa  parathyroid hormone, wuxuuna ka qeyb qaataa...

Gigantism

 Gigantism  Gigantism sidoo kale waxa loo yaqaan carruurta jir-weyninka[ pediatric acromegaly}  waa xaalad aad dhif u ah in la arko waxay dhacdaa marka carruurta ama carruurta soo qaan gaareysa uu noqdo mid sareeya ciriqa{ hormoonka} koritaanka jirka. Qanjirka pituitary waxa uu soo saaraa sida caadiga ah hormoonka koritaanka, laakiin buro ka soo baxda qanjirka ayaa keeneysa in uu soo saaro xaddi ka badan inta loo baahnaa.   Hormoonka koritaanka waxa uu nidaamshaa koritaanka inta lagu gudda jiro carruurnimada, waxa uu kor u qaadaa cabirka lafta, muruqa,koritaanka nuddaha. Sidoo kale waxa uu  ka caawiyaa inuu xakameeyo dheefsashada.  Marka lagu gudda jiro xilliga qaan gaarka.    Calaamadaha lagu arko.  1: Madaxa oo weynaada iyo qalka. 2:  Gacmaha iyo cagaha oo weynaada. 3: Xubnaha guddaha oo weynaada gaar ahaan wadnaha. 4: Dhiddid badan. 5: Aragtida oo labo nooc noqota. 6:Suulasha iyo  faraha oo adkaada. 7:Madax xanuun. 8:Kala go...

Yaraanshaha qanjir kelyeedkA( adrenal insufficiency).

 Yaraanshaha qanjir kelyeedkA( adrenal insufficiency). Magaca kale ee loo yaqaan waa Addison’s disease: waa marxlad muddo dheer ah aanu qanjir kelyeedka soo saareyn hormoonno ku filan sida kortisoolka iyo aldosteron. Qanjir kelyeedka sidoo kale waxaa loo yaqaan suprarenal gland,  waa mid aad u yar  qaabkiisa waa seddex xagal kuna yaala  qeybta sare labada kelyood. Waana qeyb kamid ah endocrine system.  Kortisoolka waa ciriq( hormoon)  kaaso innaga caawinaya in jirka uu ka jawaab celsho qalqalka xanuunka ama dhaawacyada. Sidoo kale isku dheellitira cadaadiska dhiigga shaqada wadnaha, habdhiska difaaca, sokorta dhiigga heerkeeda.  Kortisoolka waxa uu muhim u yahay nolosheenna. Jidhka waxa uu leeyahay nidaam faahfaahsan si uu u habeeyo heerarka cortisolka. Qeyb  la yiraahdo hypothalamus-ka  ku taala maskaxda ayaa ku hawl leh  habbeynta hormoonnada iyo qanjirka pituitary,  qanjirka yar oo ku yaala qeybta hoose maskaxda ayaa habbeynaya i...

Maxaa kasoo kordhay tallaalka “Astrazeneca” iyo xinjirowga dhiiga?

 Maxaa kasoo kordhay tallaalka “Astrazeneca” iyo xinjirowga dhiiga? Sidee tallaalkuse u sababi karaa Xinjirow?!! ============== Afeef:.. ------ Daraasadani ma aha daliil kama danbays ah oo cadaynaya in tallaalka AstraZeneca dhaliyo xinjirow. Laakiin waxay qayb ka noqon kartaa qaadiyad tallaalka ka dhan ah oo aan wali dhamaystirmin. Sidaa darteed waa in aynu sugno inta cadaymuhu is biirsanayaan ee la helayo daraasado kale oo middan xoogeeya. Waxa kale oo aynu dhowri go'aanka ay qaataan caafimaadka dowliga ah oo aan saadaalinayo in ay go'aan cusub keeni doonaan. === Wali way jirtaa doodii ahayd “tallaalka Astrazeneca waxa uu sababaa xinjirow” waxaabaad moodaa in ay soo xoogaysanayso” waad dareemi kartaa in ay ku yaraatay warbaahinta laakiin waxa ay ka hulaaqmaysaa xagaa iyo xarumaha cilmi-baadhista. Sayniskii iyo aqoonyahankiisii ayaa isuju noqday waxaana bilaabmay in ay soo baxaan xogihii ugu horeeyay ee isku deyaya in ay xaqiijiyaan bal in xidhiidh ka dhexeeyo tallaalka AstraZe...

Acromegaly

 Acromegaly. Badanaa waa xaalad dhif ah in la arko haddana sidaas ay tahay waa marxlad qatar ah qofka gaarsiin karta heer dhimasho.  Xaaladani waa marka aad u sareeyo ciriqa koritaanka jirka.  Caadi ahaan qanjirka pituitary waxa uu soo saaraa ciriqa koritaanka jirkeenna, laakiin  burooyin ka soo baxa qanjirka ayaa keenaya inuu ka bato heerkii loo baahnaa. Haddii uu aad u bato ciriqa koritaanka jirka dadka waa wayn waxa ka dhallanaya  labo aan qaab lahayn waxa siyaada  cabirka lafaha, xubnaha jirka, nudayaasha kale, astaamaha kale ee isbeddelka leh waxa kamid ah gacmaha oo weynaada, cagaha, dhagaha, faruuraha iyo sanka,  qalka oo weynaada, waxa badanaya sokorta dhiigga( hyperglycemia). Ciriqa koritaanka waxa farriin u dirayaa beerka, beerka waxa uu soo saarayaa ciriq la yiraahdo insulin-like growth factor 1 (IGF-1) hormoonka waxa sababayaa in lafaha iyo nudayaasha jirka ay koraan sidoo kale waxay saameyn ku yeelanayaan sokorta dhiigga iyo dufanta. ...

Hypopituitarism

 Hypopituitarism? Waa marxalad dhif ah oo la arko, taasoo ay jirto yaraansho dhammaan hormoonada qanjirka pituitary ama badh. Ciriqyadan( hormoons) waa isku dhis kiimeed kuwaasoo ka qeyb qaadanaya shaqooyin kala duwan ee jirkeenna  iyagoo qaadaya farriimo dhex marrinaya dhiigga ilaa xubnaha,  murqaha iyo cadadka. Farrimaha jirkeenna waxay u sheegayaan qabashada iyo goorta la qabanayo. Hormoonnada pituitary waa danab muhiim u ah shaqada jirka  sida koritaanka, taranka, dheefshiidhka. Qanjirka pituitary  Waa qanjir ku yaalla maskaxda meesha basada ku aaddan oo  masuul ka ah dhammaan hoormoonnada jirka iyo isku dheellitirkooda, qanjirkaan waa qanjir aad muhiim uga ah guud  ahaan jirka oo dhan sababtoo ah wuxuu soo daayaa qanjirkaan ilaa iyo sagaal hoormoon.Qanjirkaan wuxuu si toos ah uga xiran yahay hypothalamus-ka sababtoo ah hypothalamus-ka waxaa ka yimaado farriimo, fariimaha ka yimaado hypothalamus-ka waxay si toos ah u  tagaan qanjirka loo yaqaa...

Baabasiirka

 Baabasiirka Baabasiirka waxaa sidoo kale loo yaqaannaa “Piles” waxa uu imaadaa markay bararaan xididada ku dhex yaallo saxara-mareenka ama hareerihiisa. Bararka waxaa keeni karo kororka cadaadiska soo saarmaayo xididadaas. Cadaadiskaan ayaa imaan karo marka uu jiro calool istaag, saxaradana ay adag tahay qofkana uu isku dayo inuu si xoog leh u saxaroodo, ka dibna uu sidaas cadaadiska saxara-mareenka ku bato. Qiyaastii boqolkiiba 50 dadka qaangaarka ah ayaa laga yaabaa inay la kulmaan calaamadaha baabasiirka markay da’doodu kor u dhaafto 50 sanno. Nuucyada baabasiirka Baabasiirka waxa loo qaybiyaa labo nuuc, qaybintaan waxay ku salaysantahay hadba meesha uu kasoo boxo baabasiirka. Nuuca 1-aad waxa uu kasoo baxaa gudaha saxara-mareenka, waxaana loo yaqaannaa “Internal hemorrhoids”. Nuucaan badanaa xanuun ma leh, mana la dareemi karo, calaamadda ugu horreeyso ee lagu dareemi karana waa in dhiig uu ka imaadaa saxara-mareenka. Mararka qaar markay qofka saxarada ku dhaggan tahay, cadaad...

Hyperpituitarism

Hyperpituitarism Waa marxalad qanjirka pituitary uu soo saaro xaddi ka badan hormoonno qanjiradda uu maamulo( laga soo daayo) intii loo baahnaa in ka badan kuwaasoo raacaya qulqulka dhiigga. Burada aan kaankarada(cancer)ahayn ee qanjirka qudhiisa ka soo baxdo waxaa loo yaqaan fiixda qanjirka pituitary ( pituitary Adenoma). Xaddiga badan ee ciriqa( hormoon) uu soo saarayo qanjirka waxa keenna  xaalado kala duwan sida kiritaanka(growth),  dheefsashada ( metabolism), taranka( reproduction).Inta aynnaan xanuunka u sii gudda galin aynnu isla eegno ciriqyada( hormoons) uu soo saaro ama uu qaabilsan yahay qajirka pituitary.  Waa qanjir(pituitary gland) ku yaalla maskaxda meesha basada ku aaddan oo masuul ka ah dhammaan hoormoonnada jirka iyo isku dheellitirkooda, qanjirkaan waa qanjir aad muhiim uga ah guud ahaan jirka oo dhan sababtoo ah wuxuu soo daayaa qanjirkaan ilaa iyo sagaal hoormoon.Qanjirkaan wuxuu si toos ah uga xiran yahay hypothalamus-ka sababtoo ah hypothalamus-ka w...