Posts

Showing posts from November, 2024

Casharka 17aad

 Habdhiska neefsashada iyo xanuunnada ku dhaca! Casharka 17aad Kansarka sambabbada(lung cancer). Sambabadu waa xubnaha jirka ee innaga gargaara neefsashada. Waxay ogsijiin siiyaan dhammaan unugyada jirka.Unugyada kansarku waa unugyo aan caadi ahayn(u tarmaya). Unugyada kansarku way ka korniin badan yihiin waana ay ka iskala-qaybin badan yihiin unugyada caafimaad qaba.Unugyada kansarka qaarkood waxay sameyn karaan goobo loo yaqaanno burooyin.Kansarka sambabku waxay dhacdaa marka unugyo ku jira wadnaha is beddelaan oo ay noqdaan kuwo aan caadi ahayn. Unugyada kansarka sambabku waxay ku safri karaan dhiigga ama dheecaanka jirka oo ay degi karan goob ama xubin kale ee jirka ah, waxaa tan loo yaqaanaa faafitaan(metastasis). Haddaba Kansarka sambabada (lung cancer) ayaa halis caafimaad oo mudnaanteeda leh. Sambabadu waa xubno muhiim u ah jirkeenna, kuwaasoo shaqadoodu tahay kala beddelka hawada uu jidhkeennu isticmaalayo iyo kuwa uusan u baahnayn. Kansarku wuxuu saamayn balaaran ku yeesh...

Casharka 16aad

 Habdhiska neefsashada iyo xanuunnada ku dhaca! Casharka 16aad Malaxaysiga moqor sambabeedka(Empyema).  Malax lagu arko duleel(moqor) ku yaala feeraha hoostiisa, waxay ka dhalataa cuduro jeermis ah oo ku dhaci kara sambabada, waa xaalad aad halis u ah oo dawadeeda tahay qaliin lagu soo saaro wixii malaxdaas sababay oo keliya.  Badanaa waxa keenna waa caabuq ay dhallisay bakteeriyo,  caabuqaasi waxa uu horseedayaa in uu olol ku yimaado moqorka sambabka (pleura) iyo kiisha haweedka, taasi waxa ka dhallaneyso in moqorka burbur soo gaadho hoorohii ku jirray ee isku dheellitirnaa. Xaaladani marka ay jirto xiddidada indhosiiliyamteeda ayaa qarxa, dilaacaasi ku yimid waxa uu keenayaa in hooraha iyo borotiinka ku jirra uu ku soo ururo, unugyada cad, moqorka sambabka,  taasina waxa ugu wacan ololka(infalamayshanka), taasina waxay dhaawaceysaa nuddaha moqorka sambabka. Waqti badan haddii ay sii jirto malaxda ku sameysanta sambabada moqorkooda , waxa ka buuxsamaya madada f...

Casharka 15aad

 Habdhiska neefsashada iyo xanuunnada ku dhaca.  Casharka 15aad Miiqsan Sambabeedka(Pulmonary fibrosis). Waa xaalad nuddaha sambabka uu noqdo mid adag  taasoo hoos u dhigeysa shaqada sambabada. Adkaanshan waxa uu wax ka beddelayaa habsami u socodka shaqada samababbada, taasoo hoos u dhigeysa ogsijiinta dhiigga ku jirta.  Sambabbada waxa ku ururaya kolaajiin, hannaanka ay ku timaada lama yaqaan, ku ururkaas waxay keeneysaa in ay dhaawacdo ibisiiliyamta sambabbada,iyadoo la carinaayo nooc ka mid ah oo sameeya cadka isku xirraha(fibroblasts), unugyadaan waxay soo saaryaaan kollaajiin iyo borotiinka nud gudeedka taasoo keeneya adkaanshaha nuddaha sambabbada.   Dhaawaca soo gaadha sambabbada waxaa ka dhallanaya inuu adkaado nuddaha sambabbada, taaso keeni karta waxyaabo kala duwan, tusaale ahaan waxyaaba qaar sumowga ah sida deegaanka wasaqeysan, daaweynta shucaaca,  caabuqa iyo xanuunnada isweerarka difaaca jirka waxay dhaawacayaan kiishashka hawada, dhaaw...

Casharka 14aad

Habdhiska neefsashada iyo xanuunnada ku dhaca. Casharka 14aad Oofwareen(pneumonia). Oof wareenku waa xanuun ku dhaca sambabada kaas oo ay keento jeermiyada sida (Virus,Bacteria ama Fungi) kuwaas oo sambabbada gudihiisa dhammaan ama qayb ka mid ah ku samaynaya olol(inflammation) kiishashka hawada (alvеoli) ka buuxsamayaan dareere ama malax. Ololka ku yimaada oof-wareenka waxa ugu wacan caabuq ay keento bakteeriyo, fayrus,  fangas  ama noole kale.  Hannaanka waxa uu ka bilaabanayaa liqitaan, kaasoo uu marayo habdhiska neefsashada qeybtiisa hoose, cudur dhalliyaha marka uu soo galo waxa ka hor imanaya difaaca, kuwaasoo weerar ku qaadaya. Haddii uu cudur dhalliyaha soo gaadho kiishashka hawada, liqaha kiishashka waa uu aqoonsanayaa isagoo qabsanaya qaabilaha(TLRs), waxa la soo daynayaa maadooyinka ololka ka hortagga, halkaas waxa ka curanaya dagaal xooggan, unugyada dhiigga cad waxay soo aadayaan barta uu caabuqa ka jiro, unugyada cad waxay ku ururayaan kiish haweedka. Ku uru...

Casharka 13aad

 Habdhiska neefsashada iyo xanuunnada ku dhaca.  Casharka 13aad QAAXO( Tuberculosis). Cudurka Qaaxada waxaa keena Bakteeriyada la yidhaahdo Maykoobaktiiriyam Tubbarkaloowsis (mycobacterium Tuberculosis). Baktiiriyadaasina waxay weerartaa sambabbada, waxay kaloo weerartaa xubnaha kalee jidhka sida, Kelyahha, Laf-dhabarta, Maskaxda iyo meelo kaloo badan wayna dhib yar tahay in aad cudurkan si sahlan u qaaddid una faafisid. Haddii aan layska daweyna wuxuu cudurkani noqdaa mid halis ah oo qofku uu udhiman karo.Cudurkan waxaa loo yaqaannaa magacyo badan oo ay ka mid yihiin: Tiibbeyda (TB) iyo ama qaaxo. Haddaba cudurkan waxa uu maraa heerar kala duwan iyo noocyo kala duwan oo kala khatar badan sida: 1. Primary tuberculosis ama bilow waxay ku dhacdaa marka ugu horreysa ee qofka ay haleesho bakteeriyada noocan khatar badan maleh. 2. Secondary ama heerka dhexe Heerka dhexe waa marka bakteeriyada ay horay usii gasho hawada, ku tarmaysa kaddibna usii gudbi karta xubnaha kale sida kelyah...

Casharka 12aad

 Habdhiska neefsashada iyo xanuunnada ku dhaca.  Casharka 12aad Awdanka Halbowle Sambabeedka( Pulmonary embolism).  Waxay dhacdaa marka xinjir ay ka soo huleesho addimaha hoose gaar ahaan lugaha, soo gaadho sambabada taasoo xirreysa halbowle sambabeedka,  taasoo keeneysa in dhiigga qulqulkiisa uu xumaado, isbeddel ku yimaado hawo qaadashada, ama soo saaritaanka, waana xaalad qatar ah. Asalka xinjirta waxay ka imaneysaa addimaha hoose, waxaana u nugleysiinaya qofka aan socod badan lahayn, qofka oo qaalinka lafaha galay ama xanuunnada xinjirowga dhiigga haddii uu qofka leeyahay  waxaas oodhan waxay sahlayaan in ay xinjir sameysanto.Xinjirtaasi waa ay soo safreysaa, waxa ay soo gaadheysaa wadnaha qeybta midig, kaddib waxa ay u soo gudbeysaa halbowle sambabeedka, waxay keeneysaa in ay xidho halbowlaha sambabka. Xirrinka xiddidkaasi waxa uu keenayaa in uu xumaado qulqulka dhiigga ee xiddidada samababada, waxaana siyaadaya iska caabinta xiddidka sambabka. Cadaadiska x...

Casharka 11aad

 Habdhiska neefsashada iyo xanuunnada ku dhaca.  Casharka 11aad Ololka hunguriga cadka(Chronic bronchitis) Waa ololka ku dhaca hunguriga cadka, taasoo keeneysa qufac raagga, xab aad u badan ugu yaraan seddex bilood ilaa  inuu socdo labo sanno. Xaaladani waxay saameysaa  hawo mareenka, taasoo keeneysa ciriirsanka  socodka hawada.Boronkiitada raagto (Chronic bronchitis) waa cudur waqti dheer jira. Waa mid ka mid ah koox cudurro sambabka ku dhaca( COPD )lagana soo gaabiyay cudurka sambabka xanniba ee raaga (chronic obstructive pulmonary disease). Waxyeelladu badanaa waxay ka sii dartaa waqti kaddib. Waxa jirro waxyaabo carinaya in ay xaaladani timaado,  sida tubaakada, sigaarka, waxyaabaha wasaqeysan, sumowga deegaanka, kuwaasoo dhaawac gaarsiinaya ibisiiliyamta hunguri cadka.  Durbadiiba waxa falcelin ka bixinaya waxyaabaha qalaad ee jirka soo gala(inflammatory response) sida nooc ka mid ah unugyada cad, kuwa wax liqa(macrophages),   limfosayt(...

Casharka 10aad

 Habdhiska neefsashada iyo xanuunnada ku dhaca.  Casharka 10aad BUUFSAN-SAMBABEED(Emphysema).  Waa xanuun ku dhaca sambabada kana mid ah  loona yaqaan kuwa aan soo noqodka lahayn(chronic obstructive punmonary disease) qofka ay ku dhacdana waxa ku adkaata neefta soo saarideeda maadama oo ay dhaawacmaan kiishashka hawadu (alveoli) waanay isku darsamaan halkay marka hore kala xadidan yihiin,mudo kaddibna way adkaanayaan waxaana ay waayayaan dabacsanaantii ama awooddii kala bax-ururka (elasticity)  sidaana waxa qofka ugu adkaanaysaa hawo qaadashada. Burburka ku yimaada kiishashka hawada waxa uu ka yimaadaa isku dheellitir xumada ku timaada faldajiyayaasha (protease) kaasoo burburinaya borotiinka ilastiinka ee darbiyada kiishka hawada iyo faldajiyaha (alpha-1°antitrypsin) kaasoo isagana xidha. Marka faldajiyaha (protease) la cariyo, waxa uu noqdaa mid kordha,  kaaso burburinaya darbiyada kiishashka hawada,kaasoo soo yareynaya fogaanta isbeddelka hawada meesha ay...

Casharka 9aad

 Habdhiska neefsashada iyo xanuunnada ku dhaca.  Casharka 9aad Neefta(Asthma). Neefta waa xaalad caafimaad oo muddo-dheer saameysa marinnada hawada. Waxay sababtaa barar iyo ciriiri taas oo xaddideysa isku socodka hawada ee sambabada.Si aad u fahamto cudurka neefta, waxaa lagama maarmaan ah in wax yar aad ka fahamto waxa dhaca markaad neefsaneyso. Caadi ahaan, neef kasta oo aad qaadatid waxay martaa sankaaga ama afkaaga waxayna hoos ugu dhaadhacdaa hungurigaaga iyo marinnadaada neefta, ugu dambayntiina waxay gaaraysaa sambabadaada.Waxaa jira marinno haweedyo badan oo yar yar oo sambabadaada ku dhaxyaalla kuwaas oo kaa caawiya in ogsijiinta hawada ka soo baxda ay gaarsiiso dhiiggaaga.Astaamaha neefta waxay imaaddaan markii dahaarka marinnada hawadu maraan ay bararaan ka dibna muruqyada yar yar ee ku hareeraysan ay adkaadaan. Waxaa markaas kaddib marinnada hawada buuxinaya  xab, waxaana sii yaraanaya xaddiga hawo ee mari kara meesha.Marka ay sidaasi dhacdo waxaa dareemeysaa...

Casharka 8aad

 Habdhiska neefsashada iyo xanuunnada ku dhaca.  Casharka 8aad Qaabka ay dhacdo neefsashada.  Fisiyoolojiga Neefsashada Fisiyoolojiga(shaqada) neefsashadu wuxu u qaybsamaa laba qayb oo kala ah. 1. Kimikada neefsashada oo ah sida gaasyada kala duwani ay isu waydaartaan. 2. Habdhaca neefsashada oo ah sida loo neefqaato loona soo neeftuuro, si ay u suurta gasho isweydaarshada gaasyada kala duwani. Kimikada Neefsashada Dhiigga kabilaariyada alfiyooliyada maraya waxa u gudba 5% oo ogsojiin ah, waxana ka soo gudba 5%  kaarboonlaba ogsaydh ah. Hawada caadiga ahi waxay ka kooban tahay gaasyada hoos ku qoran oo ay saamiga soo socda ugu jiraan: Naytrojiin 79% Ogsijiin 20.96% Kaarboon laba ogsaydh 0.04% Uumi biyood oo kala duwan iyo gaasyo kale oo saami aad u yar ah. Hawada aynnu soo neefsaaraa waxay ka kooban tahay :- Naytrojiin 79% Ogsijiin 16.5% Kaarboon laba ogsaydh 4.5% Uumi biyood iyo gaasyo kale oo aad u yar.Iswaydaarashada gaasyada (O₂ iyo CO₂) ee ka dhacda al- fiyooliy...

Casharka 7aad.

  Habdhiska neefsashada iyo xanuunnada ku dhaca.  Casharka 7aad. Moqor iyo moqor sambabeed(Pleura iyo pleura cavity): Ugu horeyn intaanan cashirka u gudi galin waa maxay moqor(pleura) muxuuse yahay moqor sambabeed( pleura cavity)? Moqor:- waa xuub weyn oo ka hooseeya xabadka kasoo daboola sambabada, wuxuu ka kooban yahay qaab kiish oo kale u samaysan waxaana ku jira dheecaanno, dheecaankaas waxay xuubka ka caawiyaan ilaalinta xubnaha in aysan is xoqin. Moqor sambabeed (Pleura cavity):waa qeyb banaan oo u dhexeeya xuubabka ubucda qeybtooda kore iyo salkooda. Hadda waxaan filaa inaad fahantay waxa loola jeedo moqor(pleura) iyo moqor sambabeed (pleura cavity). waxay yihiin.Moqorka wuxuu ka kooban yahay kiishash xuubeed isku xir xiran kuwaas oo ay ku jiraan xadi yar oo dheecaan ah.Sambabka wuxuu riixaa kiishkaan markaas kaddib wuxuu sameeysanyaa laba lakab ama xuub mid kamid ah wuxuu ku dhegaa sambabka halka midka kale uu ku dhegaayo gidaarka xordinta saableyda(throcic cavity). Mo...