Casharka 13aad
Habdhiska taranka ee dumarka iyo Uureyda(Obstetrics). Casharka 13aad Daryeelka hooyada xilliga uurka(Antenatal Care). Waa daryeel caafimaad oo la siinayo hooyada iyo uurjiifkeeda, iyadoo la hubbinayo xaaladooda caafimaad. Waxa uu ka kooban yahay ka warqab joogta ah, baaritaanno, waxsheeg( wacyigalin)caafimaad, dheellitir nafaqeed, la socoshada uurjiifka. Markii laga hadlayo shaqada saxda ah ee uu qabto ANC, waa in haweenka ay ka helaan adeeg caafimaad iyo kahortagga cudurrada. Tusaale ahaan: wacyigelinta caafimaadka, latalinta cuntada hooyada u fiican, tallaalka kahortagga teetanada, siinta fiytamiin A iyo iroon folate.Waxaa suuragal ah xaaladaha qaarkood in ilmuhu ku daaho caloosha, xaaladaha qaarna uu soo dhiciyo. 2. UJEEDADADA. Sida aan ka soo xiganayo buugga Dutta iyo WHO iyo hay'adaha caafimaadka qaabilsann. 1: In laga taxaddaro caafimaadka hooyada iyo uurjiifka. 2: In si dagdag ah haddii ay jirto dhibaatooyin la soo darsa hooyada uur...