Habdhiska qanjirada jirka (endocrine system) Casharka 11aad.
Habdhiska qanjirada jirka (endocrine system) Casharka 11aad. Qanjirka ku yaala qoorta (Thyriod glands) Thyroid glands waa qanjir weyn oo ku yaala qoorta labadeeda gees waa qanjiro sameeya soona saara dheecaanno aad muhiim ugu ah jirka bani’aadamka sida dheecaannada kala ah T3,T4 iyo thyrocalcitonin qanjirkaan wuxuu ka samaysan yahay labo cad, labadaas cad waxaa isku xira cad kale oo loo yaqaano isthmus. Qanjirkaan wuxuu leeyahay waxa loo yaqaanno follicule, follicule-ka waa kiish ama dalool yar yar oo u eg sida qanjirka oo kale kaasoo laga helo xuubabka unnugyada jirka gaar ahaan unuga ugxaanta dumarka ee ilmaha ku abuurmaan. Follicule walba waxaa ku wareegsan ama ku dahaaran unugyada cadaha daboolaha ee loo yaqaanno (cupoidal Epithelial cells). Follicul-ka dhexdiisa waxaa ku jira waxyaabihii laga samayn lahaa dheecaannada waxaana loo yaqaannaa lumen of the follicule, qanjiraddaan waxay sameeyaan soona saaraan dheecaannada kala ah thyroxine (T4) ,Triiodothyroxine (T3) thyrocalcito...