Posts

Showing posts from August, 2024

Casharka 48aad

 Habdhiska dheefshiidka (digestive system) Casharka 48aad  Diverticulosis  Waa kuusyo yaryar ka soo baxa xiidmaha waa wayn,gaar ahaan guddaha mindhicirada. Waxa ay soo muuqdaan marka uu daciifo xuub xaleedka ku wareegsan xiidmaha,  kaasoo dib ugu soo riixaya banaanka. Waxa aynna qaadataa waqti badan in ay soo muuqdaan. Waxa aynna siyaadinayaan cadaadiska xiidmaha.  Sidee ayuu ku yimadaa xanuunka? Calool fadhiga raaggay  waxa uu siyaadinayaa cadaadiska xiidmaha waa wayn  kaaso sababaya xuub xaleedka lakabka ku xiga in ay ka soo dhex baxaan  barta dafiicank noqotay ee xiidmaha. 2:Dietary Factors:  cunnooyinka ay ku yartahay qolofta(fibers)  waa ay ka qeyb qaadan karaan kuusanka xiidmaha. Sidaan ogsoonahay cuntooyinka qolofta leh waxay ka qeyb qaataan jilcinta saxarada, nuugitaanka cunnooyinka qolofta ah waxa laga dhigaa xab si markaasi saxarada u noqoto mid fudud. Haddii cunnada qolofta leh ay yartahay  saxarada waxay noqoneysaa mid y...

Casharka 47aad

 Habdhiska dheefshiidka (digestive system). Casharka 47aad Proctitis  Waa olol (inflammation) ku dhaca dahaarka malawadka, waana qeybta u dambeysa xiidmaha waa wayn kuna dhammaata marrinka saxarada. Xaaladan waxay keeneysaa nafis xumo, xanuun. Ololkaasi waxa uu horseedayaa xuub xaleedka inuu dhaawac soo gaadho, nabar uu yeesho, iyo xanuun dhiig bax, iyo isbeddel ku yimaada xiidmaha. Ilolkaasi waxa ugu wacan waxyaabo kala duwan, sida caabuq, is-weerarka difaaca jirka, ama shucaac qofka lagu daaweeyay. Haddii ololkaasi uu sii raago waxa uu keenayaa dhibaatooyin. Sida dilaaca marrinka saxarada.  Maxaa Keena? 1:Caabuq: bakteeriyada sida: Neisseria gonorrhoeae, Chlamydia trachomatis, and Treponema pallidum (which causes syphilis) waxay si toos u saameynayaa xuub xaleedka malawadka iyagoo keenaya olol. Bakteeriyada badana waxay ku soo gudubtaa galmada, gaar ahaan galmada marinka saxarada.  Ololka waxa ka dhallanaya: bakteeriyada waxay dilaacineysaa unugyada ibisiiliya...

Casharka 46ad

 Habdhiska dheefshiidka (digestive system). Casharka 46ad Intussusception  waa xaalad dagdag ah waxay ku bada tahay carruurta, waa marka qeyb ka mid ah xiidmaha ay isku Laab laabmaan, taasoo keeneysaxirrinka xiidmaha. Waxa ay cadaadis saarayaan xiddidada dhiigga siiyo  haddii aan la daweyn ugu dambeyn waxa ay sababeysaa in qeyb ka mid ah xiidmaha ay dhintaan. Isku laab laabanka xiidmaha waxa uu ka bilowdaa qeyb ka mid ah xiidmaha marka ay sidii caadiga ahayd u dhaqaaqi waayaan, taasina waxa ugu wacan, kuusyo ka soo baxa xiidmah, buro ka soo baxda, qanjir linfeedka oo weynaada. Taasina waxay hoos u dhigeysaa dhaqaaqa cunnada, qeyb kamid ah xiidmaha. Taasina waxay keeneysaa in xiddidada cariirsamaan, sidaasna uu barar ku yimaado, iyo in ay noqoto bilaa ogsijiin iyo nafaqo. Haddii dhiig la'aan dhacdo waxa imanaya in ay dhintaan xiidmaha. Waxa uu saameyaa badanaa  barta dhammaadka qeybta xiidmaha yaryar ay iskulla kulmaan xiidmaha waa wayn(ileocolic region). Maxaa keenna...

Casharka 45aad

Habdhiska dheefshiidka (digestive system). Casharka 45aad Ischemic colitis Ischemic colitis (IC) waa xaalad olol ah( Inflammatory condition) oo soo wajahda xiidmaha waa wayn(colon). Waxa keenna dhiig yari soo wajahda ama waraabka dhiigga soo gaadhaya oo oo yaraada  taasoo keeneysa in ay dhacdo ogsijiin la'aan, iyo inuu dhaawac soo gaaro nudaha xiidmaha wayn. Meesha ugu badan uu saameeyo waa qeybta bidix ee xiidmaha waa wayn. Sidee ayuu ku yimadaa? 1:Socodka dhiigga oo yaraada:  xiidmaha waxa waraabiya laama ka yimaada halbowlaha caloosha(  superior and inferior mesenteric artery), goorta uu dhiigga yaraado, waxa ugu wacan dhiigga oo hoos u dhaca, xirranka xiddidada,  ama xinjirowga xiddidada, markaas ayay dhacdaa yaraanshaha ogsijiinta. 2: Ischemic Injury: ogsijiin la'aanta iyo nafaqada waxay keenayaan dhaawac  xuub xaleedka xiidmaha waa wayn. Dhaawacanu waxa uu ka dhallan karaa olol( inflammation) dilaac, iyo inuu nuddaha dhinto( necrosis). 3: Dhiigga oo hoos u...

Casharka 44aad

 Habdhiska dheefshiidka (digestive system) Casharka 44aad Mesenteric Syndrome The mesenteric arteries waa uu quudiyaa ama waribayaa xiidmaha.  Laamaha uu leeyahay halbowlahan waxa uu ka yimaadaa halbowlaha caloosha iyo xiidmaha yaryar, qeybta ugu horreysa xiidmaha  waa wayn, qeybta horsan ee xiidmaha waa wayn (ascending colon), qeybta gudban ee xiidmaha waa wayn ( transverse colon),iyo gacana. Waxa uu ku dhagan yahay xiidmaha qeybta dambe darbiga caloosha, isagoo siinaya taageerid,waxaana ku jirra xiddido dhiig, dareensida, marrinnada qashinka qaada. Mesenteric Syndrome waa xaalad dhif ah in la arko, haddii ay dhacdo waa xaalad qatar keeni karta, waxa uu dhacaa marka qeybta seddexaad ee laba iyo toban laha(duodenum) ayaa waxa uu cadaadis fuulayaa hablowha sare xiidmaha waraabiya iyo halbowlaha quudiya caloosha. Cadaadiskan waxa uu horseedayaa qeyb ama gabi ahaanba  inuu xidho labo iyo toban laha( duodenum). Xaaladan waxay timadaadaa marka la waayo duxda difaacda xidd...

Casharka 43aad

 Habdhiska dheefshiidka (digestive system). Casharka 43aad Small Intestinal Bacterial Overgrowth (SIBO) Waa in ay xiidmaha yaryar ku korotaan bakteeriyo xad dhaaf ah. Haddii ay bakteeriyadaas taran sameyso ay keeneyso dhibaato. Sidee u dhacdaa ama ugu  tarmi kartaa xiidmaha yaryar. 1: Bacterial Overgrowth: xiidmahaa yaryar caadiyan waxa ku dhex Kora xaddi bakteeriyo, kuwasoo  ka qeyb qaata soo deynta aysiidha, dhaqaaqa cunnada, haddii uu hannaankani xumaado, bakteeriyada waxay ka imaneysaa xiidmaha waa wayn iyadoo markaasi u soo safreysa xiimaha yaryar. Carqaladeynta ku timid bakteeriyadii caadiga ahayd,  waxay keeneysaa nafaqo darro,  waxa xumaanaya in la burburin waayo dufanka, waxaa kalo qoqob ku imanayaa kaarbohaydareedka waxay keeneysaa in qofka aariyo isku arko. 2: Inflammation and Damage:  xaddi badan oo bakteeriyada  waxa ay keeni kartaa olol ku yimaada lakabyada xiidmaha. Taaso keeneysaa inuu siyaado dilaaca xiidmaha, iyo  xumaanshaha sha...

Casharka 42aad

 Habdhiska dheefshiidka(digestive system). Casharka 42aad Kogitaanka hunguriga (Esophageal spasm). Qaab-dhiska hunguriga.  Hunguriga waa muruq tubbo ah isku xidha cunnaha ilaa caloosha, waxa uu ka kooban tahay dhowr lakab oo xuub xaleed ah. 1:Mucosa: waa lakabka hoose, waxa uu soo saaraa xab fuddudeynaya in cunnada sisibsan ku marto hunguriga.  2:Submucosa: lakabkani waxa uu ka kooban yahay qanjidho, soo daaya xab, iyo xiddido. 3:Muscularis externa: lakabkani waa mid wareeg ah iyo lakab dhereran. Lakabkani waxa uu masuul ka yahay dhaqaaqa hannaan qummanka cuntada si markaasi u gaadho caloosha. 4:Adventitia:  waa lakabka sarre waxa ùu sameeyaa taageerid qaab-dhismeed. Kogitaanka hunguriga  waa xaalad aan caadi ahayn ku timaada muruqa hunguriga oo kogitaan sameeya (construction). Kogitaankan waa mid xanuun badan, kaasoo carqaladeynaya liqitaanka caadiga ah. Waxa loo qeybiyaa labo qeybood. 1:Distal (or diffuse) esophageal spasm: waa nidaam xumo ku timaada kogitaank...

Casharka 41aad

 Habdhiska dheefshiidka (Digestive system). Laryngopharyngeal reflux Casharka 41aad Inta aynnaan xanuunka galin,  waxa aynnu ka hadli doonnaa habdhiska dhuunta,marrinkeeda. Dalqadu(pharynx)waa moqor muruqlay ah oo ay ku dahaa- ran yihiin xuubab axal. Cuntada ayaa sii marta moqorkaasi marka hunguriga ay gelayso, Marka wax la liqayo waxa urura muruqyada gidaarrada dalqada oo hoos u cadaadiya cuntada si hunguriga ay u gasho. Isla markaa dhanxanaga jilicsan ayaa isku gudba marinka sanka si aanay cuntadu kor u gelin. Qulaanqushaha (larynx)ayaa isna ku soo baxa, waxana is qabsada xarkaha dhawaaqa si aan cuntadu u gelin hunguriga cad iyo sambabada. Hawshaasi muruqyada ee isku xiriirsani waxay badbaadisaa qofka, haddii si habsan u dhicin waxa dhacda in qofku ku saxdo cuntada.   HUNGURIGA Marka cuntada calaashani soo dhaafto dalqada, waxay soo gashaa dhuun dheer oo hoos u marta luqunta lana yiraahdo hunguri. Waxay dhex martaa dhuuntaasi saablayda, xagga dambena waxay ka marta...

Casharka 40aad

 Habdhiska dheefshiidka (digestive system). Casharka 40aad Ceejisanka hunguriga (Esophageal stricture).  Carriirsanka hunguriga waxa uu keenayaa in ay adkaato wax liqidda. Hunguriga waa tuubbada qaada cuntada, iyo dareeraha ka imanaya afka siina gaarsiinaya caloosha. Caadiyan hunguriga muruq tubbeedka waxa uu gaadhaya 25 cm dherer ahaan. Waxaana ku meegaaran xuub xaleed kaasoo ogolaanaya in cunnada iyo dareeraha si sisibsan ku gudbaan. Hunguriga waxa uu isku nidaamshaa fududeynta gudbinta. Waxa jirro waxyaabo badan aas aas u ah in ay xaaladan dhacdo waxa ka mid ah. 1:Ceejisanka hunguriga waxa uu ka dashaa olol(inflammation)iyo cadadka hunguriga oo nabar yeesha.  Nabarkaasi waxa uu keenayaa cariirsan ku yimaada dhex roorka hunguriga.   2:Inflammation: ololka waxa uu dhaawacayaa xuub-xaleedka ku dahaaran hunguriga,  taasoo ugu wacan aysiidha dib ugu soo laabata, liqitaanka waxyaabo banaanka qofka kaga yimid. 3:Fibrosis: ololka raagga waxa uu carinayaa unugyad...

Casharka 39aad

 Habdhiska dheefshiidka (digestive system). Casharka 39aad Weyninka xiddida hunguriga(Esophageal Varices).   Badanaa waxa ugu wacan siyaaditaanka uu siyaado cadaadiska  aroore qaadaha beerka(portal hypertension).Badana waxa uu la xidhiidhaa adkaanshaha beerka(Liver Cirrhosis),waxa yaraanaya qulqulka dhiigga ee beerka, taasoo xirreysa xinjir. Taasoo keeni karta qatar halis ah.  Maxaa keenna. 1:Chronic Liver Disease: Adkaanshaha beerka waa natiijo ka dhallata waqti dheer uu beerka dhaawacnaado, taasoo keeneysa in uu beerka adkaado,  iyo in ay sameysmaan kuusyo. Waxana keenna  hefeerka beerka oo raagga( chronic Hepatitis B, C) , cabidda qamriga, duxda beerka. 2:Fibrosis: beerka waxa uu noqonayaa mid miiqan, caadiyan dhiigga socodkiisa waxaa ku imanaya carqalad. Adkaanshahan waxa uu keenayaa xirran qulqulka dhiigga ee beerka. 3:Portal Hypertension: waxa siyaadaya cadaadiska aroore qaadaha. Waxa ugu wacan xirranka uu keenno adkaanshaha, qulqulka dhiigga ee beerk...

Casharka 38aad

 Habdhiska dheefshiidka (digestive system). Casharka 38aad Gastroschisis. Gastroschisis waa xanuun ama dhibaato la soo darista carruurta kaas oo ah xiidmaha oo ka soo dhaca ubucda ilmaha xundhurta agteeda  mararka qaarna ayba xubno kale dibada yimaadaan ,waxaana keenaa marka ilmuhu samaysmayo ee uu uurka ku jiro ayaa waxaan si fiican u samaysmin muruqyada  gidaarka obocda(abdominal wall) kaas oo markuu ilmuhu dhasho halkaas kasoo dhacayaan xiidmaha ama xubnaha qaar ka mid ah sida beerka iyo caloosha . Sababaha keena lama yaqaan(Unknown) se waxa loo aanaynaynaa inay la xidhiidho hidde sidaha(genetics) ka  iyo arrimo deegaaneed,waxyaabaha soo dadajin karana waxa ka mid ah hooyada oo da’ yar , cabitaanka sigaarka iyo khamriga xilliga ay uurka leedahay. Calaamaddaha lagu garan karo. Calaamddo lagu garan karaa ma jiraan haddaan la baadhin intuu ilmihu uurka ku jiro ama aan lagu eegin Ultrasound balse marka uu dhasho ayaa qofkastaa arki karaa . Sidee loo daweeyaa ? Dawaynt...

Casharka 37aad

 Habdhiska dheefshiidka (digestive system) Casharka 37aad Zenker ‘s Diverticulum  Wa maxay Zenker’s  Diverticulum-ku ? Zinker ‘s Diverticulum  waa dhalan rogad ku dhaca xagga sare ee muruga sare(UES-upper esophegeal sphincter) ee hunguriga halkaas oo uu ka samaysmo kiish ay cuntada qayb ka mid ahi ku leexato kaddib qofku uu ka cawdo neefta oo xumaata(bad breath,halitosis). Calaamaddaha lagu garto. Calamaaddaha xanuunkan waxa ka mid ah qofka neeftiisa oo xumaata ,bilawga cunto liqitaanka oo ku adkaato ,cunto uu mar hore cunay qaybo ka mid ah  oo uu ku arko barkinta dusheeda markuu hurdada ka kaco (regurgitated food).Qufac ay sabab u tahay cuntadaas oo u leexata xaga hunguriga cad ee ay hawadu marto maadaama ay isu dhow yihiin halka uu ku dhaco. Sidee loo baadhaa ? Waxa lagu baadhaa si loo hubiyo inuu xanuunkani keenay neef xumida maadamaya jiraan sababo kale oo neefta u xumaan karto ama ay qofka ugu adkaan karto liqitaanku waxa loo yaqaan Barium swallow oo ah wal...