Casharka 11aad
HABDHISKA DHEEFSHIIDKA (Digestive System). Casharka 11aad Achalasia Waa xaalad dhif iyo naadir ah in la arko. Waa adkaansho ku timaada liqitaanka cuntada iyo dareeraha tubbada isku xidha afka ilaa caloosha( hungurig). Xaaladan waxay dhacdaa marka dareensidaha hunguriga(recurrent laryngeal nerve branch of the vagus nerve (CN X) uu dhaawac soo gaadho. Natiijada ka dhallaneysa hunguriga waxa ay noqoneysaa inuu baralaays noqdo, taasoo uu awooddi waayo hunguriga in ay cunnada gudubto, si ay u gaadho caloosha. Muruqa hunguriga ma ahan mid si hagaagsan u shaqeynaya. Waxa fashilmaya muruqa hoose ee hunguriga, sababta ugu wayn na waa in dareensidaha darbiyadiisa guddaha hunguriga ah uu dhib soo gaadho. Inkastoo aan la ogeyn cudur dhalliyaha saxda ah waxa ka qeyb qaadan kara cadaadiska qeybta hoose ee hunguriga iyo kala bixitaanka waxa nidaamiya( tusaale acetylcholine) iyo joojinta( nitric oxide, vasoactive intestinal peptide) dhambaal gudbiya(neurotransmitters). Dadka xaaladan ...